AKHRISO: 50ka Ciyaartoy Ee Ugu Wanaagsan Dunida Waqtigan Oo La Shaaciyey – 1aad Oo Messi Lagala Wareegay

Advertisements

Weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa loo magacaabay xiddiga ugu wanaagsan adduunyada waqtigan, isaga oo booska koowaad ka qaaday Lionel Messi oo dhowaan la guddoonsiiyey xiddiga ugu wanaagsan dunida, lana  guddoonsiiyey abaal-marinta Ballon d’Or.

Lewandowski ayaa gool-dhalin cajiib ah samaynayay xilli ciyaareedkan socda, waxaanu shabaqa taabsiiyey 30 gool 25 ciyaarood oo uu saftay oo dhamaan tartamada ah.

Advertisements

33 jirkan reer Poland ayaa jabiyey rikoodhkii gool-dhalinta horyaalka Bundesliga ee 41ka gool ee uu dhigay Gerd Muller ku dhowaad nus-qarni ka hor.

50ka ciyaartoy ee ugu wanaagsan adduunyada waqtigan oo qaybtii hore ee horyaallada Yurub ay gabogabo marayaan ayaa la shaaciyey, waxaana uu Lionel Messi ka galay kaalinta labaad, halka Mohamed Salah uu saddexaad soo galay oo uu Karim Benzema afraad ku jiro.

Advertisements

Jorginho, Kylian Mbappe iyo Erling Haaland ayaa kala haysta boosaska shanaad, lixaad iyo toddobaad, waxaana siddeedaad u dhacay Cristiano Ronaldo oo ay isku xigaan N’Golo Kante, waxaana tobanka sare dhamaystiray Kevin de Bruyne.

Halkan kaga bogo 50ka ciyaartoy ee ugu wanaagsan dunida waqtigan:

Advertisements

50. Cesar Azpilicueta (Chelsea)

49. Memphis Depay (Barcelona)

48. Antonio Rudiger (Chelsea)

47. Kai Havertz (Chelsea)

46. Rodrigo De Paul (Atletico Madrid)

45. Bernardo Silva (Manchester City)

44. Marquinhos (Paris Saint-Germain)

43. Virgil van Dijk (Liverpool)

42. Alphonso Davies (Bayern Munich)

41. Serge Gnabry (Bayern Munich)

40. Luka Modric (Real Madrid)

39. Son Heung-min (Tottenham)

38. Achraf Hakimi (Paris Saint-Germain)

37. Marco Verratti (Paris Saint-Germain)

36. Manuel Neuer (Bayern Munich)

35. Ilkay Gundogan (Manchester City)

34. Trent Alexander-Arnold (Liverpool)

33. Jan Oblak (Atletico Madrid)

32. Angel Di Maria (Paris Saint-Germain)

31. Vinicius Junior (Real Madrid)

30. Lautaro Martinez (Inter Milan)

29. Raheem Sterling (Manchester City)

28. Thomas Muller (Bayern Munich)

27. Mason Mount (Chelsea)

26. Nicolo Barella (Inter Milan)

25. Phil Foden (Manchester City)

24. Giorgio Chiellini (Juventus)

23. Sadio Mane (Liverpool)

22. Leonardo Bonucci (Juventus)

21. Pedri (Barcelona)

20. Edouard Mendy (Chelsea)

19. Luis Suarez (Atletico Madrid)

18. Joshua Kimmich (Bayern Munich)

17. Federico Chiesa (Juventus/Fiorentina)

16. Bruno Fernandes (Manchester United)

15. Harry Kane (Tottenham)

14. Ruben Dias (Manchester City)

13. Neymar (Paris Saint-Germain)

12. Gianluigi Donnarumma (Paris Saint-Germain)

11. Romelu Lukaku (Chelsea)

10. Kevin De Bruyne (Manchester City)

9. N’Golo Kante (Chelsea)

8. Cristiano Ronaldo (Manchester United)

7. Erling Haaland (Borussia Dortmund)

6. Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain)

5. Jorginho (Chelsea)

4. Karim Benzema (Real Madrid)

3. Mohamed Salah (Liverpool)

2. Lionel Messi (Paris Saint-Germain)

1. Robert Lewandowski (Bayern Munich)

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada