Afar Kooxood Oo Doonaya Weeraryahan Arsenal Ah, Chelsea Oo Daafac Dhexe Heshay & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

Suuqa iibka
Advertisements

Paris St-Germain weeraryahankeeda Kylian Mbappe ayaa lagu wadaa inuu baxo marka heshiiskiisu dhaco xagaaga dambe, Newcastle United ayaa kamida kooxaha u dhaqaaqi kara saxeexiisa. (Express)

Manchester United ayaa dalab hordhac ah oo ay ka gudbisay tababaraha PSG ee Mauricio Pochettino laga soo diiday. (Manchester Evening News)

Advertisements

Mauricio Pochettino ayay tahay inuu sugo ilaa xagaaga ugu yaraan si uu u noqdo tababaraha Man United. (Star)

Tababaraha cusub ee Tottenham ee Antonio Conte ayaa kooxda la yeeshay wadahadalo uu ku doonayo saxeexa daafaca dhexe ee Man United ee Eric Bailly. (Transfer Window podcast, via Express)

Advertisements

Tababarihii hore ee Borussia Dortmund ee Lucien Favre iyo Rudi Garcia oo Lyon soo maamulay ayay Man United ka qaaday waraysiga jagada . (Telegraph)

Ralf Rangnick, tababarihii hore ee RB Leipzig iyo Rudi Garcia oo Paul Fonseca oo isaguna AS Roma soo layliyay ayaa kamida liiska tababarayaasha laga doonayo Old Trafford. (Mail)

Sawirka tababarihii Man United laga caydhiyay ee Solskjaer ayaa laga tirtiray gidaarka banaanka Old Trafford. (Sun)

Liverpool iyo Barcelona ayaa xiisaynaya saxeexa Christian Pulisic oo Chelsea ka tirsan, Blues ayaan doonayn inay koox Premier League ah ka iibiyaan halka Barca aysan awoodin 50-ka Milyan ee euro ee ay iibkiisa ku doonayso kooxda ree London. (El Nacional, in Catalan)

Chelsea ayaa Fenerbahce wadahadalo kala yeelatay saxeexa daafaca dhexe ee ree Hungary ee Attila Szalai. (Football Insider)

Wolves ayaa bisha January dhagaysan doonta dalabaadka Adama Traore laga soo gudbiyo (Football Insider)

Real Madrid jamaahiirteedu waa kuwo si xun ula dhaqmay Gareth Bale sida uu qabo wakiilkiisa Jonathan Barnett xilli qandaraaskiisa kooxdu xagaaga dhacayo. (Marca)

Arsenal weeraryahankeeda Alexandre Lacazette ayay isha ku hayaan Atletico Madrid, Barcelona, Newcastle iyo AC Milan. Heshiiskiisa ayaa dhacaya xagaaga dambe. (Calciomercato)

Arsenal ayaa xiisaynaysa saxeexa khadka dhexe ee kooxda Lille ee Renato Sanches suuqa bisha January. (Football London)

Manchester United khadkeeda dhexe ee Jesse Lingard ayaa wali doonaya inuu baxo walow la caydhiyay tababare Ole Gunnar Solskjaer. (Star)

Mason Mount ayaan wax werwer ah ka qabin heshiis kordhintiisa Chelsea wuxuuna doonayaa inuu koobab badan kula guuleysto kooxdaas. (Telegraph)

Newcastle are set to rival Manchester United for the signature of Atletico Madrid’s England defender Kieran Trippier, 31. (Sun)

Aston Villa’s former England Under-20 forward Keinan Davis, 23, is wanted by Norwich City, who are managed by ex-Villa boss Dean Smith. (Football Insider)

Advertisements

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA