25ka Xiddig Ee Da’yarta Ah Ee Ugu Wanaagsan Dunida Waqtigan Oo La Shaaciyey – Kooxahee Ayay Ka Tirsan Yihiin?

Advertisements

Wargeyska Marca ee Kasoo baxa waddanka Spain ayaa sameeyey qiimaynta 100ka ciyaartoy ee da’doodu ka hoosayso 21 jirka ee ugu wanaagsanaa dunida xilli ciyaareedkii tegay ee 2021/22, kuwaas oo haddana isku diyaarinaya inay galaan xilli ciyaareed kale oo ay rajaynayaan inuu u noqdo mid ay xirfaddoodu sii kobocdo oo ay ciyaartoodu qaan-gaadhnimo muujiyaan.

25ka ciyaartoy ee ugu horreeya oo aanu maanta idiin soo gudbin doonaa, halka dhamaan 100ka laacib oo isku dhanna aanu dib idiinka soo gudbin doono.

Advertisements

Kaalinta koowaad ee ciyaartoyda ay da’doodu ka hoosayso 21 jirka ee ugu fiicnaa xilli ciyaareedkii tegay, ku jira Vinicius Junior oo garabka midig uga ciyaara Real Madrid iyo xulka qaranka Brazil. 52 ciyaarood oo uu saftay ayuu dhaliyey 22 gool iyo 20 kale oo uu caawiye ka noqday xilli ciyaareedkii tegay, waxaanu kooxdiisa ka caawiyey inay ku guuleysato Champions League oo uu u dhaliyey goolkii ay ku garaaceen Liverpool.

Weeraryahanka reer Norway ee ay Manchester City kala soo wareegtay Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa kaalinta labaad u dhacay, kaddib 30 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu dhaliyey 29 gool, waxaana xiddigan ciilay dhaawacyo sababay inuu seego 16 ciyaarood fasalkii tegay.

Advertisements

Pedri oo khadka dhexe uga ciyaara Barcelona iyo Spain, waxa uu dhaawac ku seegay 31 ciyaarood xilli ciyaareedkii tegay, laakiin sannadkii ka horreeyey ayuu ahaa xiddigii ugu fiicnaa da’yarta isaga oo saftay 73 kulan. Waxa uu xilli ciyaareedkii tegay saftay kaliya 22 kulan oo uu dhaliyey shan gool, hal caawin ahna sameeyey.

Halkan kaga 25ka xiddig ee ay da’doodu ka hoosayso 25 jirka ee ugu fiicnaa dunida xilli-ciyaareedkii 2021/22

Advertisements

1. Vinicius Junior (Real Madrid, Brazil, 21 jir)

2. Erling Haaland (Borussia Dortmund/Manchester City, Norway, 21 jir)

3. Pedri (Barcelona, Spain, 19 jir)

4. Dusan Vlahovic (Juventus, Serbia, 22 jir)

5. Phil Foden (Manchester City, England, 22 jir)

6. Jude Bellingham (Borussia Dortmund, England, 19 jir)

7. Gavi (Barcelona, 17 jir)

8. Aurelien Tchouameni (Monaco/Real Madrid, France, 22 jir)

9. Antony (Ajax, Brazil, 22 jir)

10. Sandro Tonali (AC Milan, Italy, 22 jir)

11. Bukayo Saka (Arsenal, England, 20 jir)

12. Jamal Musiala (Bayern Munich, Germany, 19 jir)

13. Florian Wirtz (Bayer Leverkusen, Germany, 19 jir)

14. Rodrygo Goes (Real Madrid, Brazil, 21 jir)

15. Ansu Fati (Barcelona, Spain, 19 jir)

16. Eduardo Camavinga (Real Madrid, France, 19 jir)

17. Karim Adeyemi (Salzburg/Dortmund, Germany, 20 jir)

18. Fabio Vieira (Porto/Arsenal, Portugal, 22 jir)

19. Ryan Gravenberch (Ajax/Bayern Munich, Netherlands, 20 jir)

20. Pierre Kalulu (AC Milan, France, 22 jir)

21. Jonathan David (Lille, Canada, 22 jir)

22. Ferran Torres (Manchester City/Barcelona, Spain, 22 jir)

23. Gabriel Martinelli (Arsenal, Brazil, 21 jir)

24. Charles De Ketelaere (Club Brugge, Belgium, 21 jir)

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada