25 Daqiiqadood Oo Nasasho Ah, Fannaaniin Garoonka Ka Heesta, Xayeysiisyo Lacag Laga Sameeyo Isbeddelka Lagu Samaynayo Kubadda Cagta

Advertisements

Sharci-sameeyeyaasha kubadda cagta ee lagu magacaabo IFAB ayaa kulan ka yeelanaysa in la kordhiyo waqtiga nasashada ee ciyaaraha kubadda cagta, gaar  ahaan kulamada koobabka ah, taas oo ka dhigan sida ciyaarta ‘American Football’ ee finalkeeda ‘Super Bowl’ loo sameeyo nasiimooyin ay fannaaniin ka heesaan.

Waqtiga nasashada ee ciyaaraha ayaa lasoo jeediyey in laga dhigo 25 daqiiqadood halkii ay hore u ahaan jirtay 15 daqiiqadood.

Advertisements

Xidhiidhka kubadda Cagta Latin America ee CONMEBOL ayaa la rumaysan yahay inay faa’iidooyin badan ka  heli doonaan isbeddelka cusub ee lagu samaynayo sharciga kubadda cagta, waxaanay lacago badan ka heli doonaan finalka Copa Libertadores oo Sabtida ay ku ballansan yihiin Palmeiras iyo Flamengo, taas oo qorshuhu yahay in waqtiga nasashada la kordhiyo.

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa isaguna u dheg taagaya arrintan, waxaanay si diirran usoo dhoweynayaan qorshahan iyagoo finalka  FA Cup ee garoonka Wembley ay sannad walba ka dhigi doonaan madal dhaqaale badan ay ka helaan, isla markaana fannaaniin caan ahi ka heeshaan.

Advertisements

IFAB ayaa kulan yeelan doonta maalinta Khamiista, waxaana horyaalla oo laga doodayaan Shirweynaha Ganacsiga ee Sannadka, oo ay FIFA soo diyaarisay.

Ajandaha shirkan waxa ku jirta in qodobka 7 ee sharciga ciyaaraha isbeddel lagu sameeyo, isla markaana laga dhigo 25 daqiiqadood halkii ay hore uga ahayd 15 daqiiqadood.

Khamiista berri ayaynu eegi doonaa in qorshahani hirgalo oo isbeddel lagu sameeyo sharciga tobannaanka sannadood lagu soo dhaqmayay ee dhigaya in 15 daqiiqadood waqtiga nasashadu tahay.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA