YAAB KALE!! Memphis Depay Oo Barcelona Looga Horqaadayo Sidii Wijnaldum & Kooxda Markale Ka Inkaarsanaysa

Kooxda Barcelona ayaa ka baqaysa inay markale waji gabax dhinaca suuqa ah la kulanto maalmo kaddib markii lagaga guuleystay saxeexa Georginio Wijnaldum oo Liverpool ka tagaya.

Wijnaldum ayaa heshiiska shaqsiga ah hore ula gaadhay Barcelona waxaana la filayay inuu kooxdaas u wareego kahor inta aysan Paris Saint-Germain miiska u saarin heshiis uu ku qaadanayo laba jibaarka mushaharkii uu Barca kula heshiiyay isaga oo aqbalay.

Barca looking to save money: Eric Garcia and Depay in doubt

Haatan iyadoo ay Barca wali qabto dhibtii kasoo gaadhay dhinaca kooxda ree France, kooxda Juventus ayaa isku dayaysa inay markeeda ka inkaarsato Barcelona.

Wargeyska Mundo Deportivo ayaa xusaya in Juventus ay dalab u gudbisay Depay iyada oo miiska u saartay mushahar 3 Milyan oo euro ka badan midka uu Barcelona kula heshiiyay sanadkii.

Barca oo ka ordaysa inay markale dhex fadhiisato fashil suuqa ah ayaa Depay iyaduna u bandhigtay heshiis hal sano ka badan midkii ay hore ugu bandhigtay.

Waxa la filayaa in Memphis uu go’aan ka gaadhi doono kooxda uu u wareegayo iyadoo laga warsugi doono haddii uu go’aan kale oo xilli dambe ah qaadan doono sidii saaxiibkiisa xulka Netherlands ee Gini Wijnaldum.

Waxa xusid mudan in Wijnaldum iyo Depay la filayay inay si bilaash ah ugu soo wada biiraan Barcelona sababtoo ah in macalinkoodii xulka Netherlands ee Ronald Koeman uu kooxdaas hoggaan u yahay.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*