Yaa Ku Guuleystay Abaalmarinta Saadaasha Kulankii Ay Liverpool Emirates Ku Dishay Arsenal?

In ka badan 230 faalo ayaa laga bixiyay warbixintii saadaasha kulankii u dhaxeeyay Arsenal iyo Liverpool ee ay kooxda Reds ku guuleysatay 3-0 xalay oo Sabti aheyd.

Akhristayaal badan ayaa saxay saadaasha balse hal taageere ayaa noqday guuleystaha abaalmarintii 50ka doolar ee shabakada Laacib isagoo noqday shaqsigii ugu soo horeeyay ee saxay natiijada ciyaarta iyo xiddiga dhaliyay goolkii ugu horeeyay.

Akhriste lagu magacaabo Axmed ayaa noqday guuleystaha isbuucaan ee abaalmarinta saadaasha shabakada Laacib isagoo noqday akhristihii ugu horeeyay ee saadaaliyay in Liverpool ay 3-0 kaga badineyso Arsenal islamarkaana Diogo Jota uu dhalinayo goolka koowaad.

Waxaa jiray akhristayaal isaga ka horeeyay oo saxay natiijada ciyaarta balse hareermaray xiddiga goolka koowaad dhaliyay, iyagana waan ugu hambalyeeyneynaa sida ay u soo dhaweeyeen saadaasha todobaadkan.

Waxaan hambalyo leenahay Axmed oo ku guuleysatay abaalmarinta todobaadkan, waxaan Axmed durbaba u dirnay Email oo aan kula xiriiri doono si aan ugu dirno abaalmarinta uu ku guuleystay.

Aad ayaan uga mahadcelineynaa dhamaan akhristayaashii ka qeyb galay barnaamijka saadaasha ee todobaadkan.

Waxaan jecel nahay inaan joogteyno haddii Eebe idmo, nala wadaaga fekerkiina iyo sida aad u aragtaan barnaamijka saadaasha ee abaalmarinta ay ku bixineyso shabakada Laacib

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

6 Fekradood

  1. Aad bad umahadsantihiin bahwaynta page laacib.net muddo badan ayaan kuxirnaa page waan idinka mahadcelinaa dhiiraglinta Aad nala garabtaagantihiin inkasto hadyadii wali isoo gari lakiin lay sheegay ilaa bari isoo garayso waxan leeyahay mahadsanidiin tartamayasha waxan leyahay markala kabadan from bossaso

  2. Marka kowad Ahmed hampalyo marka lawaad anigaba waan saxay in uu diogo JOTA dhalin doono goolka kowaad seeeee camal

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*