Yaa Joojin Kara? Atletico Madrid Oo Noqonaysa Kooxda Ugu Weerarka Wanaagsan Yurub

Atletico Madrid ayaa u muuqta inay isku beddelayso kooxda ugu weerarka wanaagsan qaaradda Yurub, xilli ay Barcelona ku wada jiraan wada-hadallo meel fiican maraya oo ay ku kala beddelanayaan labada ciyaartoy ee Antoine Griezmann oo ay laba sannadood ka hor 120 milyan oo Euro ku iibisay iyo Saul Niguez.

Griezmann ayaa uu xilli ciyaareedyadii uu Barcelona ku qaatay waxa hoos u dhacday ciyaartiisa, laakiin waxa uu rumaysan yahay in haddii uu ku laabto Atletico, in mar kale uu dib u iftiimi doono oo uu soo ceshan doono qaab-ciyaareedkiisii halista ahaa.

Atletico

Diego Simeone ayaa isaguna u arka weeraryahanka reer France, inuu yahay libaax aan kooxdiisii joogin oo ay tahay inuu kusoo laabto Wanda Metropolitano si uu usoo ceshado qaab ciyaareedkiisii, isla markaana uu isagu u hayo xeeladdii iyo farsamadii ciyaareed ee uu mar kale ku noqon lahaa xiddigii uu hore u ahaan jiray.

Haddii qorshahani suurtogalo oo ay Barcelona iyo Atletico kala beddeshaan labadan ciyaartoy, Atletico Madrid ayaa joogta  faa’iido weyn, sababtoo ah waxay dib u helayaan xiddig ay 120 milyan ku iibiyeen, kaas oo haddii uu soo laabto ka dhigi doona koox ka dhisan meel walba.

Tababaraha reer Argentina oo hore u haystay Luis Suarez oo uu xagaagii hore kasoo qaatay Barcleona, kulana guuleystay horyaalka LaLiga iyo Joao Felix, waxa uu Griezmann noqon doonaa ciyaartoyga saddexaad ee weerarka halista ah la abuura labadan ciyaartoy ee  hore.

Suarez ayaa xilli ciyaareedkii tegay u dhaliyey 21 gool 32 ciyaarood oo uu saftay, haddii se ay is helaan Griezmann waxa isbeddelaysa fursadaha uu helayo iyadoo culayskii difaaca uu ka ridi doono laacibka reer France. Sidoo kale, Felix oo ay dhaawacyo daashadeen xilli ciyaareedkii hore, ayaa haddii uu taam noqdo waxa uu isaguna khatar kale kusii kordhin doonaa weerarka kooxda.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net