Xogtii Ugu Dambaysay Ee Xaalada Dhaawac Ee Eden Hazard, Farxada Real Madrid & Haddii Uu Liverpool Diyaar U Yahay Berri

Iyadoo habeen dambe ay balansan yihiin kooxaha Real Madrid iyo Liverpool kulan xiiso badan oo ka tirsan wareega siddeed dhammaadka ee Champions League ayuu Eden Hazard xiddigaha kooxdiisa tababarka la sameeyay saaka oo Isniin ahayd isaga oo ka farxiyay taageerayaasha kooxdiisa.

Dareenka guud ee xiddiga Belgian-ka ah ayaa la sheegayaa inuu yahay mid wanaagsan waxaana uu noqon karaa isbedelka ugu weyn ee shaxda tababare Zinadine Zidane uu kaga hortagayo Liverpool.

Image

Hazard ayaa ahaa mid maqan tan iyo March 13 balse tababarka la samaynayay xiddigaha kooxdiisa tan iyo Jimcihii, Hazard qudhiisa ayaa yeelan doona go’aanka ugu dambeeya kaddib tababarkii uu sameeyay saaka.

Eden ayaa ahaa mid dhawaanahanba ka fikirayay inuu si deg-deg ah ugu soo laabto garoomada haatana talaabo kasta oo uu qaadayo ayaa noqon doonta mid uu isagu go’aamiyo isaga oo la tashanaya shaqaalaha caafimaadka ee Real Madrid.

Hazard ayaa ah mid qaba baahida ah inuu si deg-deg ah usoo laabto isla markaana uga hortago Liverpool oo ahayd mid kamida kooxaha uu ugu jecel yahay inuu goolal ka dhaliyo wakhtigiisii Chelsea.

18 kulan oo uu kahor tagay Liverpool, Hazard ayaa kaliya afar kulan guuldarro lasoo kulmay isaga oo 6 guulood iyo siddeed bar-bardhac soo helay halka uu toddoba gool iyo laba caawimo kusoo sameeyay.

Kooxda tababare Jurgen Klopp ayaa ahayd mid markasta cabsi ka qabta Hazard, nooca halis ee uu gaadhsiin karo ayuu caddayn u yahay goolkii cajiibka ahaa ee uu Anfield kaga dhaliyay sanadkii 2018 ciyaar Carabao Cup ahayd oo ay Blues 1-2 kusoo adkaadeen.

Warka kale ee u wanaagsan Real Madrid ee tababarkii saaka lagu arkay ayaa ahaa in Fede Valverde uu isaguna soo noqday isaga oo qoto dheeraan khadka dhexe ah siinaya Zidane.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*