Xiddigii Garoonka Ee Liverpool U Jabay, Laacibkii Ugu Liitay Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Liverpool & Newcastle

Liverpool ayaa barbarro niyad-jab ah la gashay Newcastle, waxaana daqiiqaddii ugu dambaysay ee ciyaarta gool barbarro ah ka dhaliyey Joe Willock oo beddel kusoo galay, halka iyagana uu bilowgii ciyaarta gool u saxeexay Mohamed Salah.

Kulankan oo kusoo dhamaaday 1-1, waxay Liverpool iska khasaarisay fursado ay goolal ku dhalin kari lahaayeen, laakiin Newcastle ayaa iyagana dhamaadkii laga diiday gool kale oo uu u dhaliyey Wilson oo isaguna beddel ku yimid.

Natiijadan ayaa Liverpool uga dhigan in labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ay iska lumisay afar dhibcood oo haddii ay heli lahayd ay dhab ahaan ugu fadhiisan lahayd kursiga kaalinta afraad, iyadoo xataa ku dhowaan lahayd Leicester City oo dhibic saddexaad fadhida.

Xiddigii garoonka

Thiago Alcantara ayaa loo doortay xiddigii garoonka iyadoo uu ahaa hal-abuuraha Liverpool ee ciyaarta, kaas oo kubbadihiisa uu u dhiibayay weeraryahannada Salah, Jota iyo Mane ay ku dawakheen difaaca Newcastle.

Jurgen Klopp oo 15kii daqiiqadood ee ugu dambeeyey saaray Thiago ayaa ka shalleeyey, waxaanay daqiiqadahaasi ahaayeen kuwa ay Newcastle awoodda ciyaarta qabsatay ee ay goolka laga diiday iyo midka loo ogolaadayba ku dhashadeen.

Waxay Thiago isku qiimayn ahaayeen Saint-Maximin, Dubravka, Murphy iyo waliba beddelka Newcastle la baxsaday ee Willock oo dhamaantood ay wada heleen qiimayn darajadeedu tahay 8, laakiin Thiago ayaa loo doortay xiddignimada.

Laacibkii fashilmay

Diogo Jota iyo Sadio Mane oo Liverpool ah ayaa ugu liitay guud ahaan ciyaartoyda labada kooxood, waxaanay heleen qiimaynta ugu hoosaysay kulanka oo darajadeedu tahay 5. Waxa kaliya oo la wadaagayay Curtis Jones oo beddel kusoo galay, mana jiro ciyaartoy kale oo sidaas u liitay oo aan ka ahayn saddexdan laacib.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Liverpool: Alisson (7), Alexander-Arnold (6), Kabak (7), Fabinho (6), Robertson (7), Wijnaldum (7), Thiago (8), Jota (5), Firmino (7), Mane (5), Salah (7)

Beddelka: Milner (7), Jones (5)

Newcastle: Dubravka (8), Clark (7), Fernandez (7), Dummett (7), Ritchie (7), Longstaff (7), Shelvey (7), Murphy (8), Almiron (6), Saint-Maximin (8), Joelinton (6)

Beddelka: Willock (8), Gayle (6), Wilson (7)

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*