Xiddig Muhiim Ah Oo Liverpool Usoo Laabtay Ka Hor Kulanka Arsenal Iyo Klopp Oo Ka Hadlay

Liverpool ayaa dib u heshay xiddig muhiim ah xilli ay isku diyaarinayaan ciyaarta Arsenal ee ay maalinta Sabtida ugu tegayaan garoonka Emirates Stadium, taas oo ay u baahan yihiin in ay guul keenaan si ay sare ugu soo kici karaan iyagoo waqtigan ku jira kaalinta toddobaad ee horyaalka Premier League.

Tababare Jurgen Klopp ayay kooxdiisu afar dhibcood oo kaliya ka horreysaa Arsenal oo kaalinta sagaalaad fadhida, waxaana ciyaartani ay labada kooxoodba muhiim u ah saddexda dhibcood ee kulankan.

Reds oo xilli ciyaareedkii hore ku guuleysatay horyaalka Premier League, ayaa qarka u saaran in ay ka qaddo tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe, waxaana mushkiladdani ay u bilaabantay markii ay dhaawacyo tiro badan ku habsadeen xiddigaheeda gaar ahaan khadka difaaca.

Weeraryahanka reer Brazil ee Roberto Firmino oo dhaawac jilibka ah kaga maqnaa saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey, ayaa culayska ka fududaydiyey Jurgen Klopp waxaanu diyaar u yahay kulanka Arsenal sida uu tababaruhu xaqiijiyey.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id maanta, waxa uu Klopp yidhi: “Bobby wuu soo laabtay, laakiin dhamaan ciyaaryahannadii kale way maqan yihiin (Van Dijk, Jordan Henderson, Gomez & Matip), wax fikir ahna kama haysto haddii ay ka qayb-gelayaan Euro. Waxba isma beddelin wali, waxay ku jiraan soo kabasho.”

Jordan Henderson ayuu isagana soo qaaday, waxaanu yidhi: “Wali wuu dhaawacan yahay, tababarkana ma samayn karayo, laakiin wuxuu soo laaban doonaa maalmaha soo socda ama usbuucyada soo socda, waana hubaal.”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*