Xiddig Barcelona Ah Oo Premier League Imanaya, Daafac Ka Baxaya Man United & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

Aston Villa ayaa ku rajo weyn inay heshiis cusub oo ka saxeexato kabtankeeda Jack Grealish iyaga oo mushahar ahaan toddobaadkii u siinaya £150,000 xilli uu xiiso ka helayo Man City. (Telegraph – subscription required)

Juventus ayaa rajaynaysa in Cristiano Ronaldo uu deg-deg go’aan uga gaadhi doono mustaqbalkiiisa kooxda kaddib markii Portugal ay ka hadheen Euro, heshiiska Ronaldo ee Juve ayaa ku eeg 2022. (Tuttosport – in Italian)

Wargaysyada

Manchester United ayaa u dirtay rag usoo daawada khadka dhexe ee ree France ee Adrien Rabiot kulankii ay guuldarrada kala kulmeen Switzerland habeen hore. (Star)

Juventus ayaa gashay tartanka saxeexa khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Granit Xhaka, AS Roma ayaa la fahamsan yahay inay dhinaceeda ka xiisaynayso xiddigaas. (Calciomercato – in Italian)

Emile Smith Rowe ayaa heshiis afka ah la gaadhay Arsenal oo ay isku og yihiin inuu heshiis kordhin sameeyo, kooxda Aston Villa ayaa tiraba laba dalab oo ay 20 sano jirkaas ka gudbisay laga soo diiday iyagoo dalabkoodii koowaad 25 Milyan oo pound ahaa. (Express)

Crystal Palace, Southampton iyo Norwich ayaa ku tartamaya saxeexa 29 sano jirka khadka dhexe ee kooxda Borussia Dortmund iyo xulka Denmark ee Thomas Delaney oo heshiiskiisa BVB xagaaga dambe dhacayo. (Sky Germany – in German)

Chelsea ayaa xiisaynaysa saxeexa 31 sano jirka khadka dhexe ee Barcelona ee Miralem Pjanic kaas oo kaliya 12 bilood kahor kusoo biiray Barca balse kooxdaas ayaa doonaysa inay xiddigo badan dirto si ay mushaharka ay bixiso usoo koobto. (Sun)

Jack Harrison ayaa la filayaa inuu heshiis rasmi ah ugu wareego Leeds United kaddib markii uu saddexdii sano ee ugu dambeeyay qaab amaah ah kaga maqnaa Man City. (Manchester Evening News)

Leeds ayaa sidoo kale dhammaystiraysa saxeexa daafaca bidix ee Barcelona ee Junior Firpo iyaga oo kaga guuleystay kooxo badan oo Premier League iyo Serie A ah. (Goal)

Manchester United ayaa dareenkeedii ka jeedisay garabka weerar ee Barcelona ee Ousmane Dembele kaddib markii uu dhaawac kale haleelay xiddigaas.(Mirror)

Arsenal ayaa la filayaa inay dalab ka gudbiso goolhayaha kooxda Sheffield United ee Aaron Ramsdale marka uu England la dhammaysto tartanka Euro 2020. (Sheffield Star)

Liverpool ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta kooxda FC Porto oo ay ka doonayaan khadka dhexe ee ree Brazil ee Otavio xilli ay wali raadinayaan bedelka Georginio Wijnaldum. (Express)

Aston Villa ayaa xiisaynaysa inay Manchester United qaab amaah ah kaga qaadato daafaca dhexe ee Axel Tuanzebe, 23 sano jirkaas ayaa hore laba amaahood ugu tagay Villa Park.. (Football Insider)

Villa ayaa sidoo kale xiisaynaysa 23 sano jirka weeraryahanka ah ee kooxda Aston Villa ee Tammy Abraham xilli West Ham United oo kula tartamaysa ay qiimihiisa 40-ka Milyan ee pound ah mid aad u badan u aragto. (Eurosport)

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*