XASAASI: Pep Guardiola Oo Barcelona Loo Magacaabayo, Qorshaha Adag Ee Laporta & Wakhtiga La Filayo

Madaxweynaha bilo kahor loo doortay jagada ugu sarreysa kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa lagu soo warramayaa inuu isku dayay inuu Pep Guardiola kusoo celiyo kooxdaas xagaaga sanadka dambe ee 2022.

Kaddib markii ay kooxdaasi qaab adag kusoo dhammaysatay xilli ciyaareedkii hore oo ay booska 3-aad kaga dhammaysteen La Liga isla markaana wareega 16-ka kaga hadheen Champions League ayuu Laporta sanad kale shaqada tababarenimo ku aaminay Ronald Koeman.

Joan Laporta wants Pep Guardiola as his Barcelona coach - Football Espana

Laakiin sida lagu sheegay barnaamijka Onze ee Esport3, Joan Laporta ayaa durtaba bilaabay inuu ka fikiro nolosha kooxda ee kaddib Koeman isaga oo samaynaya dedaalo uu Pep Guardiola dib ugu soo celinayo Camp Nou kahor xilli ciyaareedka 2022-23.

Guardiola iyo Laporta ayaa ah kuwo asxaab dhaw ah maadaama oo ay hore laba sano usoo wada shaqeeyeen maadaama oo uu Joan ahaa madaxweynaha kooxda ee intii u dhaxaysay 2003 ilaa 2010.

Laporta ayaa usoo dalacsiiyay tababaraha kooxda koowaad Guardiola sanadkii 2008 isaga oo macalinka haatan ee Man City taariikh aan cidina ka filanayn macalin da’yar uu soo sameeyay.

Kaddib afar sano oo uu kooxda joogay, Pep ayaa kula soo guuleystay Barca saddex horyaal La Liga, laba Champions League, laba Club World Cup iyo laba Copa Del Rey.

Warbixinta ayaa sheegaysa in marka uu Laporta isku dayay inuu Guardiola ku qanciyo inuu sanadka dambe soo laabto taas bedelkeeda uu Guardiola ugu hambalyeeyay inuu sanad kale kooxda usii daayo Koeman halka uu sidoo kale wax ku saabsan Sergio Aguero kala hadlay.

Intaas waxa dheer in Pep uu u sheegay Laporta in tababaraha ugu fiican ee la wareegi kara kooxda kaddib Koeman uu yahay Luis Enrique oo hore kooxda usoo tababaray haatana wata xulka Spain ee Euro ka qayb galaya.

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*