XASAASI: Marcus Rashford Oo SADDEX Bilood Garoomada Ka Maqnaanaya & Dhibkii Sababay Inuu Keydka Ka Galo England Oo Uu Xalinayo

Garabka weerar ee kooxda Manchester United iyo xulka England ee Marcus Rashford ayaa mudo saddex bilood ah maqnaanaya isaga oo seegaya labada bilood ee ugu horreysa horyaalka Premier League.

Marcus ayaa lagu soo warramayaa inuu gali doono qaliin garabka ah oo uu labadii sano ee ugu dambeeyay ku ciyaarayay isaga oo dhaawac ka qaba isla markaana kamid ahaa sababaha dib u dhaca ku keenay inuu kasoo dhalaalo tartankii dhammaaday ee Euro 2020.

UpJ5tNhs?format=jpg&name=small

Rashford ayaa shalay oo Salaasa ahayd lagu sameeyay baadhitaan garabkiisa waxaana lagu go’aamiyay inuu maro qaliin oo loo arkay xalka ugu wanaagsan.

Si kastaba, Rashford ayay mudo ku qaadanaysaa inuu qaliinkaas galo maadaama oo dhakhtarka ku samaynaya qaliinku aan la heli karin ilaa dhammaadka bishan July.

23 sano jirkaas ayaa la filayaa inuu mudo 12 toddobaad ah maqnaan doono kaddib qaliinkaas. Rashy ayaa xilli ciyaareedkii hore 21 gool iyo 15 caawimo tartamada oo dhan uga soo sameeyay Red Devils balse awoodi waayay inuu saameeyo xulka England intii Euro lagu jiray.

Rashford ayaa kamid ahaa saddex xiddig oo xulka England ka tirsanaa kuwaas oo khasaariyay rigoorayaal kulankii ay Final-ka Euro guuldarrada kala kulmeen Talyaaniga.

Salaasadii shalay ayaa magaalada Manchester lagu soo bandhigay sawir gacmeed weyn oo loo sameeyay Rashford, Jadon Sancho iyo Bukayo Saka kuwaas oo lagu taageerayay kaddib cunsuriyad ay la kulmeen.

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*