XASAASI: Heshiiska Is-Dhaafsi Ee Saul Niguez Iyo Antoine Griezmann Oo Meel Muhiim Ah Maraya & Xogta Laga Helayo

Kooxaha ree Spain ee Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay meel wanaagsan marinayaan wadahadalada heshiis ay ku kala badalanayaan xiddigaha kooxahooda ee Saul Niguez oo Atleti ka tirsan iyo Griezmann oo Barca ah.

Barcelona ayaa iska diraysa Griezmann oo ay u aragto mid aan qorshaheeda muhiim ka ahayn halka ay sidoo kale sababta ugu weyn ee ay u fasaxaysaa tahay inuu mushahar aad u badan ka qaato xilli ay hoos usoo dhigayso mushaharka ay bixiso.

94W5WNN6?format=jpg&name=small

Sida uu sheegayo saxafi Fabrizio Romano, Griezmann iyo Saul ayaa labaduba xalay si rasmi ah u ogolaaday in heshiiskaasi dhaco waxaana hadda go’aanku ku xidhan yahay labada kooxood.

Barcelona iyo Atletico ayaa haatan ah kuwo ka wada hadlaya qiimaha heshiiskaasi, waxa xusid mudan in Barca ay doonayso lacag dheeri ah walow ay dad badani qabaan in heshiiskaasi uu ay faa’ido weyni ugu jirto

Romano ayaa intaas ku daraya in haddiiba ay labada kooxood wax isfaham waa ah dareemaan ay kooxaha Premier League ee Chelsea iyo Liverpool yihiin kuwa sugaya inay u dhaqaaqaan Saul.

Sida uu sheegayo wargeyska Sport, Barcelona ayaa doonaysa in 15 Milyan oo euro iyo Saul Niguez oo 26 sano jir ah la isa soo raaciyo si ay u bixiyaan Griezmann oo 30 sano jir ah.

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*