“Wuu Iska Taagan Yahay, Waxba Ma Qabanayo…” Jamaahiirta Liverpool Oo La Yaabay Wijnaldum Oo Daawanayay Gool Laga Dhalinayo Kooxdiisa

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ka cadhooday xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum oo ay la yaabeen sida uu daawadaha uga ahaa goolkii saddexaad ee kooxdiisa laga dhaliyey xalay ee uu Vinicius Junior sida fudud ugu dilay difaaca, kaas oo uu laacibkani meel iska taagnaa intii kubadda ay Real Madrid dhalinaysay.

Liverpool ayay u hayd habeen xun oo la dhex jiid-jiiday Estadio Alfredo Stadio, waxaana marka laga yimaaddo natiijada, si aad ah loo saluugayay bandhiggooda qaybtii hore oo kusoo dhamaatay 2-0.

Markii ay goolka keentay, Liverpool ayaa rajaynaysay in ay mid labaadna la iman doonto, laakiin Vinicus Junior ayay habeenkiisii ahayd oo qaybta labaad goolka saddexaad meesha kaga saaray rajadii Reds ay ka qabtay in ay barbarrayn karto.

Goolka saddexaad ayaa dareen ku abuuray taageereyaasha Liverpool oo is weydiiyey, waxa uu qabanayo Georginio Wijnaldum oo la moodayay in uu daawanayay kubadda.

Karim Benzema ayaa kubadda dhinaca midig ay ku xafiiltameen Andy Robertson, waxaana dareenka Ozan Kabak iyo Williams uu ku jiiday dhaqdhaqaaqa halkaas ka socda, hase yeeshee Georginio Wijnaldum oo ay ahayd in uu xidho meelaha daloola, lana socdo dhaqdhaqaaqa ciyaartoyda Real Madrid ayaa istaagay laynka dushiisa, waxaanu halkaa taagnaa  illaa intii kubadda loosoo dhiibayey Luka Modric oo isaguna Vinicius u dhiibay, sidaana uu goolku ku dhashay.

Jamaahiirta ayaa baraha bulshada kaga falceliyey ficilka Georginio Wijnaldum, waxaanay is-weydiiyeen sababta uu la taagan yahay xilli kooxdiisa gool laga dhalinayo.

Mid ka mid ah taageereyaasha ayaa barta Twitterka kusoo qoray: “Wijnaldum ma wuxuu caawinayaa Madrid. Waxaan ku dhaaranayaa in uu tegayo Barca.”

Taageere kale ayaa isaguna yidhi: “Gini waxa la moodaa taageere uu maamulkii ka tegay.”

Mid kale ayaa isaguna soo qoray: “Wuu iska taagan yahay, waxba ma qabanayo..”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*