WOW: Ma Sidan Oo Dhan Ayay U Doonayaan? Heshiiska Cusub Ee PSG U Bandhigayso Mbappe Oo La Ogaaday

Kooxda ree France ee Paris Saint-Germain ayaa lagu soo warramayaa inay dalab cajiib ah u diyaarinayso da’yarka weerarka kooxdeeda ee Kylian Mbappe si ay uga ceshato Real Madrid oo si joogto ah loola xidhiidhinayo.

Mbappe ayaa sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa PSG soo gaadhay Real Madrid ayaana ah kooxda mudo dheer ku riyoonaysay saxeexiisa iyaga oo xataa isku dayay inay AS Monaco kala saxeexdaan sanadkii 2017.

Image

Maaha wax sir ah oo qarsoon in Mbappe uu yahay ciyaaryahanka uu aadka u doonayo madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez si uu mustaqbalka fog ugu hoggaamiyo kooxdiisa isla markaana ugu bedelo booskii Cristiano Ronaldo.

Laakiin sida uu hadda sheegayo wargeyska MARCA, PSG ayaan si sahlan isku dhiibayn si ay u ceshadaan 22 sano jirkaas.

MARCA ayaa sheegaya in Paris ay Mbappe miiska u saartay heshiis cusub oo uu sanadkii 32 Milyan oo euro ku qaadanayo waana mid lamid ah mushaharka Neymar Junior ee heshiiskii uu dhawaan saxeexay.

Marka laga yimaado in Paris aysan wali ka qancin inay sii haysato Mbappe, MARCA ayaa sheegaya in Kylian iyo wakiiladiisu ay si joogto ah ugu sheegayeen kooxda inuusan wax heshiis kordhin ah samaynayn.

Mbappe oo saddexdii sano ee ugu dambeeyay ku guuleystay kabta dahabka ah ee gool dhalinta Ligue 1 ayaa muhiim ka ah mashruuca kooxdu ay dib ugu soo ceshanayso horyaalka oo ay weyday xilli ciyaareedkii hore sidoo kalena markeedii ugu horreysay ku doonayso ku guuleysiga Champions League.

Rabitaanka bixitaan ee Mbappe ayaa Paris ku hoggaamisay raadinta bedelkiisa waxaana kamid ah ciyaaryahanada ay ishaaratay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo walow ay u badantahay inay labadooduba baaqi kusii ahaadaan Barcelona iyo Juventus.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*