West Ham Oo Shaacisay Qiimaha Ay Ku Iibinayso Xiddigeeda Declan Rice Ee Kooxaha Waaweyn Ku Dagaallamayaan

Kooxda kubadda cagta West Ham ayaa lagu soo warramayaa in ay go’aamisay qiimaha ay ku iibinayso laacibkeeda khadka dhexe ee Declan Rice oo wacdaro ka dhigay tartanka Euro 2020 oo uu si joogto ah ugu soo bilaabanayay xulka England.

Declan Rice oo hore loola xidhiidhinayay kooxaha Chelsea iyo Manchester United oo isku dayay saxeexiisa, ayaa waxa uu iska diiday inuu ogolaado heshiis cusub oo uu waqtiga ku kordhinayo oo kooxdiisu u bandhigtay, isagoo u muujiyey dareen ah inuu doonayo inuu ku biiro kooxaha waaweyn.

Rice

22 jirkan oo xilli ciyaareedkii hore ahaa tiir-dhexaadka sababta u noqday in West Ham ay timaaddo kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League, muddo dheerna ay cidhiidhsanayeen afarta sare, ayaa la sheegay in kooxdiisa uu u sheegay, in uu doonayo inuu tallaabo hore ugu qaado mustaqbalkiisa si uu koobab ugu guuleysan karo.

West Ham ayaa hore ugu sheegtay kooxaha Manchester United iyo Chelsea in aanay laacibkan ku fasaxayn wax ka hooseeya £100 milyan oo Gini, laakiin sida ay sheegtay warbaahinta Eurosport, Hammers ayaa isbeddel ku samaysay qiimahan, waxaanay aqbali karaysaa in ay ku sii dayso laacibkan £80 milyan oo Gini.

Rice oo yaraantiisii ka tirsanaa kulliyadda da’yarta Chelsea oo ay saaxiib dhowna yihiin Mason Mount oo ay kooxdaas ka wada tirsanaayeen, ayaan la ogeyn kooxda uu doonayo inuu ku biiro, hase yeeshee Manchester United iyo Chelsea ayaa waxa kale oo ku lammaan Arsenal oo iyaduna danaynaysa laacibkan.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*