“Waxaasi Ciyaaro Maaha…” Pep Guardiola Oo Si Cad U Diiday Tartanka Cusub Ee Super League Ee Kooxdiisa Man City Qaybta Ka Tahay

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa dhalleeceeyey tartanka ay samaysanayaan kooxaha waaweyn ee European Super League, kaas oo ay kooxdiisuna ka mid tahay naadiyada bud-dhigga u ah.

12 kooxood oo ay hormood u yihiin lixda kooxood ee waaweyn ee Ingiriiska ee Manchester United, Manchester City, Chelsea, Arsenal, Liverpool iyo Tottenham ayaa Axaddii ku dhawaaqay in tartan cusub oo 20 kooxood ay ka qayb-geli doonaan oo loogu magac-daray European Super League ay samaysteen, waxaaanay sugayaan in ay ku soo biiraan saddex kooxood oo u dhamaystira qorshahooda oo ah in 15 kooxood ay noqdaan aas-aaseyaasha, halka shan kalena ay ku casuumi doonaan.

Tartankan xidhan oo aanay kooxo kale oo aan ahayn 15ka samaystay iyo shanta kooxood ee lagu casuumayo aanay kasoo qayb-geli karin, waxay naadiyadani ka heli doonaan lacago aad u badan oo sannadkii lagu qiyaasay illaa $400 milyan oo dollar.

Laakiin waxa uu bilowgiiba la kulmayaa mucaaradad badan oo kaga imanaysa xidhiidhada kubadda cagta ee kala duwan, khubrada ciyaaraha, ciyaaryahannadii hore, tababareyaal iyo ciyaartooyo ka mid ah isla kooxahan.

Pep Guardiola ayaa noqday tababarihii ugu dambeeyey ee si cad warbaahinta horteeda uga qirta in aanu jeclaysanin qorshaha lagu samaynayo tartankan, waxaana isagoo la  hadlayay warbaahinta uu yidhi: “Ciyaaro ma aha marka aanu jirin xidhiidh ka dhexeeya  dedaalka iyo abaal-marinta.

“Ciyaaro ma aha, marka guulahaaga mar horeba lasii damaanad qaaday {In 15ka kooxood sannad walba soo baxaan, lacago badanna helaan}, ciyaaro maaha marka aanay macno samaynayn haddii aad guul-darraysato.”

Tababare Pep Guardiola oo hadalkan ka lahaa shirkii jaraa’id ee maanta uu kaga hadlayay kulanka Aston Villa ee Arbacada ee horyaalka Premier League.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*