“Waxaan Doonayaa Inaan Hadda Baxo!!” – Xiddig Arsenal Ah Oo Markii Labaad Si Cadaan Ah U Dalbaday In La Iska Fasaxo

Khadka dhexe ee kooxda Arsenal balse qaabka amaahda ah ugu maqan Atletico Madrid ee Lucas Torreira ayaa halkiisa kasii wada inuu si cadaan ah u sheegto mustaqbalkiisa iyo waxa uu doonayo isaga oo ay ka go’antahay inuu ku biiro kooxda ree Argentina ee Boca Juniors.

Torreira ayaa hadda xilli ciyaareed amaah ah ku qaadanaya Atletico Madrid kaddib markii uu rabitaanka Arsenal ee Mikel Arteta dheeri ku noqday walow uusan fursad ciyaareed fiican ka helin Diego Simeone oo inta uu adeegsadaa ay yartahay.

Atletico Madrid: Lucas Torreira could leave Atletico Madrid in January | Marca

Xiddiga Uruguayan-ka ah ayay ka go’antahay inuu ku laabto South America si uu ugu dhawaado qoyskiisa kaddib markii ay dhawaan caabuqa Korona Fayras u geeriyootay hooyadii Viviana Di Pascua.

Markale Lucas Torreira oo hadlay ayaa si cad u sheegay inuu doonayo u wareegista kooxdiisa riyada ee Boca Juniors isaga oo Arsenal ugu baaqay inay ugu horreynba heshiis hal sano oo amaah ah la gaadho kooxdaas.

Lucas oo la hadlayay Youtube Channel-ka Perfil Bulos ayaa yidhi “Waxaan doonayaa inaan Boca Juniors tago hadda, waxaan ahay 25 sano jir waanan ogahay inay tahay koox u ciyaarta ujeedooyin waaweyn”

“Waan jeclaan lahaa inaan taageerayaasha ka dhigo kuwa faraxsan laakiin waan ogahay inaysan ahayn sahlan, Boca waa inay Arsenal la gaadho heshiis hal sano ah”

Walow uu Torreira labada kooxood usoo jeediyay inay marka hore heshiis amaah ah galaan, dhawaan ayay ahayd markii shabakadda ESPN ay sheegtay in Gunners ay lacag 15 Milyan oo pound ah ku iibin karto xiddiga waana mid 11 Milyan oo pound ka yar intii ay kula soo wareegeen sanadkii 2018.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*