“Waxa Aan Ku Dhaaranayaa, In Kante Uu Yahay Binu-aadka Ugu Wanagsan Dunidan!” N’Golo Kante Oo Xalay Xishoodkiisii Waallida Ahaa Sameeyey & Amaantii Uu Helay

N’Golo Kante ayaa la guddoonsiiyey abaal-marinta xiddigii ugu wanaagsanaa garoonka, kulankii finalka Champions League ee ay ku garaaceen Manchester City, waxaanu ahaa laacibka qabsadayy khadka dhexe ee ciyaarta hagayey.

Xiddigan gaaban ee dhererkiisu yahay 5-ta fiid iyo 6-da inji ayaa meel kasta oo garoonka ah ordayay, waxaana uu kubbado halis ah geynayay xerada ganaaxa City agteeda halka uu ahaa ciyaartoyga kubbadaha ugu badan ka dilayay City, iyadoo sidii la filayay aanu u muuqanin Jorginho oo la arkayay in uu haftay halka N’Golo Kante uu ahaa ninka labada kooxood is-dhaafiyey.

Kante1 1

Sidaas oo ay tahay, markii ay ciyaartoydiisa Chelsea heleen abaal-marinta kulanka ee qoorta loo sudhay biladda, hore ayay usii socdeen iyagoo sii ag-marayey koobka Champions League oo saarnaa meel loogu talo-galay, waxaanu mid walba oo ciyaartoyda Chelsea ahi ugu leexday dhunkasho uu farxad darteed iska hayn kari waayey koobka oo uu labada  dhegood sii qabsaday, dhunkasho/shumisna usii dhiibay. Qof kasta oo ciyaartoyda Chelsea ayaa sidaas sameeyey marka laga reebo N’Golo Kante.

Xiddiga reer France ayaa isagu aan ku hakinin koobka uu dedaalka badan usoo galay, waxaana xishood darteed uu ku dhici waayey in uu dhunkado koobka sida ciyaartoyda kale ee asxaabtiisa. Kaliya waxa uu kusii taabtay gacantiisa  isagoon is-taagan, mana qabsanin dhegaha sida laacibiinta kale ee kooxdiisa.

Arrintan ayaa layaab ku noqotay adduunyada intii daawanaysay kulanka, sababtuna waxay tahay sida dadnimada badan leh ee xishoodka iyo miskiinimadu ku dheehan tahay ee koobka usii dhaafay isagoo kaliya taabtay.

Hore ayuu sidan oo kale u sameeyey Koobkii Adduunka 2018 uu la qaaday Faransiiska, markaas oo xataa uu ku dhowaaday in uu taaban waayo koobkaas waxaanu iska joogay garoonka dhexdiisa xilli ay ciyaartoyda kale marba mid la ordayay koobka Adduunka oo uu isku sawirayey, ilaa waqti dambe uu arkay mid ka mid ah saaxiibbadii oo uu koobka u keenay.

N’Golo Kante oo ah ciyaartoyga garoonka Stamford Bridge ku yimaadda baabuurka yar ee raqiiska ah ee Mini Coopere ee waliba duugga ah, layaabna ku riday adduunyada oo aan lagu arag qof lacag boqollaal kun oo Gini ah toddobaadkii mushahar u qaata oo haddana wata gaadhi noocaas ah, waxa mar kale uu dunida kaga sii yaabsaday falka uu sameeyey xalay.

Muuqaallada dhacdadan ayaa baraha bulshada qabsaday, waxaana Twitter-ka si aad ah la iskula wareegay iyadoo uu N’Golo Kante sii dhaafayo koobka oo ciyaartoyda kale ay dhunkasho kala daaleen.

Taageere Chelsea ka tirsan ayaa muuqaalkan soo geliyey bartiisa, waxaana uu kusoo dul-qoray: “Waxaan ku dhaaranayaa, in Kante uu yahay binu-aadamka ugu wanaagsan dunida guudkeeda.”

Halkan ka daawo muuqaalka

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

6 Fekradood

  1. KANTE 👏, ENGOLO KANTE 👏 ENGOLO KANTE 👏 ENGOLO KANTE 👏🎆 YEEEEEEES. CONGRATS CHELSEA ❣️🤣❣️❣️

  2. Kaligiis mataaban ee ciyaartooy dhawr ah ayaa iska agmaray dadka waxaad usoo gudbinaysaan ka fiirsada

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*