WARKII LA SUGAYAY: Manchester United Oo Ka Jawaabtay Dalabkii Real Madrid Ee Van De Beek & Xogtii U Dambaysay Ee Heshiiska Raphael Varane

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa albaabada u furtay, isla markaana ogolaatay dalab uga yimid Real Madrid oo ku saabsanaa xiddiga khadka dhexe ee reer Netherlands ee Donny van de Beek.

Manchester United ayaa ogolaatay in kubbad-sameeyaheedan xilli ciyaareedka kaliya joogay Old Trafford uu amaah ku tago Real Madrid xagaagan, isla markaana ay kooxda reer Spain yeelato dookh ah inay si rasmi ah ula wareegi karto marka uu dhamaado waqtiga amaahdu.

Van de Beek 1

Donny van de Beek oo ay United xagaagii hore £40 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Ajax ayaa ku fashilmay in uu saldhigo Old Trafford, iyadoo uu tababare Ole Gunnar Solskhjaer u diiday fursado uu isku muujin karo.

Afar ciyaarood oo kaliya oo horyaalka Premier League ah ayuu Donny van de Beek kusoo bilowday xilli ciyaareedka oo dhan, waxaanu u dhaliyey hal gool bishii September kulan 2-1 ay kaga badiyeen Crystal Palace.

Laacibkan ayaa dhaawac ku seegay tartanka tartanka qaramada Yurub ee Euro oo iyadoo uu qayb ka noqon lahaa xulka qarankiisa Netherlands ay fursaddiisii lumisay dhaawac soo gaadhay.

Kooxda reer Spain ee Real Madrid ayaa la rumaysnaa inay iibsan doonto Donny van de Beek ka hor intii aanay Manchester United ka hor qaadin, waxaana sababta lagu sheegay arrimo dhaqaale oo ay Real Madrid gaadhi weyday £40 milyan oo Gini oo ay Ajax dalbanaysay.

Real Madrid ayaa mar kale usoo xidh-xidhatay laacibkan, waxaanay ka dalbatay Manchester United in lagu siiyo heshiis amaah ah oo lagu daray qodob fursad u siin karaya in ay si rasmi ah u iibsadaan xagaaga 2022.

Sida uu qoray wargeyska Daily Star, Manchester United ayaa ogolaatay in Donny van de Beek uu heshiis amaah ah ku tago Real Madrid oo ay iska bixiso £2 milyan oo Gini iyo mushaharka laacibkan, laakiin sannad kaddib ay amaahda u beddeli karto heshiis rasmi ah iyadoo bixinaysa £35 milyan oo Gini.

Manchester United ayuu qorshaheedu ahaa in Van de Beek uu u beddelo Paul Pogba oo qandaraaskiisa sannad ka hadhsan yahay, laakiin waxa hadda muuqata in aanu gaadhsiisnayn heerkii ay ka doonaysay.

Dhinaca kale, Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay Real Madrid ku jiraan wada-hadallo meel fiican maraya oo ay u dhow yihiin in ay heshiis ka gaadhaan Raphael Varane.

Difaaca reer France ayaa la sheegay in uu Manchester United la gaadhay heshiis shaqsi ah oo soconaya shan sannadood, kaas oo uu xilli ciyaareedkiina ku qaadan doono mushahar ka badan inta ay Real Madrid u bandhigtay.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*