DEG-DEG: Lionel Messi Oo Go’aan Kama Dambays Ah Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa & Kooxda Uu Heshiiska La Gaadhay

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa ugu dambayn soo afjaray muddo bil ah oo uu koox la’aan ahaa kaddib markii uu dhamaaday qandaraaskiisii Barcelona dhamaadka bishii June.

34 jirkan ayaa heshiis cusub la gaadhay kooxdiisii hore ee Barcelona, taas oo uu u sameeyey mushahar dhimis kala-badh intii uu qaadan jiray ah.

Messi

Sida uu qoray wargeyska L’Esportiu ee kasoo baxa magaalada Barcelona ee gobolka Catalonia, Lionel Messi iyo Barcelona ayaa Arbacadii maanta gaadhay heshiis ay labada dhinac si degdeg ah ugu dhawaaqi doonaan marka la dhamaystiro tafaasiil yar oo ka hadhsan.

Kabtanka xulka Argentina oo Axaddii kusoo guuleystay Copa America, ayaa bishan July oo dhan la is weydiinayay mustaqbalkiisa iyo halka uu ku dambayn doono, laakiin ugu dambayntii waxa uu doortay inuu sii joogo Camp Nou.

Warkan oo aad uga farxinaya dhegaha tababare Ronald Koeman iyo qof kasta oo kale oo Barcelona ah, ayaa waxa uu intaas ku daray, in heshiiska cusub ee Lionel Messi uu saxeexayaa uu yahay muddo shan sannadood ah oo uu sii joogi doono Camp Nou illaa inta ay da’diisu noqonayso 49 jir.

Shanta sannadood ee heshiiska ah ayaan dhamaantood wada dhigaynin in uu ahaanayo ciyaartoy, laakiin waxa ku jira in sannadaha qaarkood uu ahaan doono safkiirka kooxda, taas oo ka dhigan in isaga oo meel kale ka ciyaaraya amaba  ciyaaraha ka fadhiistay uu sii soconayo heshiiskiisa Barcelona.

Wargeyska ayaa intaa ku daray, in lacagtu aanay dhibaato badan ku ahayn wada-hadalka labada dhinac oo uu Messi ku faraxsanaa inuu aqbalo dalabka ah inuu kala-badh dhimo mushaharkiisa, balse ay jireen arrimo kale oo uu laacibkani aad u danaynayay.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

3 Fekradood

  1. Iska hibiya intaydan bulshada u sogudbin wararka
    Hada mesha waxa ku qoran 49
    Hadana w 34 jir marka logeyo 5 sanona w 39 jir marka khalad inujiro idinba wd aragtan.

  2. Messi Waxaan Dhihi Lahaa PSG Iska Imow Iyadaa Mushaar Iyo Waliba Koob Isuga Kaa Dareeso Laxdaan Barcelona La Dhaho Koox Maahan

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*