Wariyeyaasha Telefishanka beIN Sports Oo Kulamada Champions League – Ayaa Qabanaya Real vs Liverpool & Bayern vs PSG?

Telefishanka beIN Sports ayaa shaaciyey wariyeyaasha tacliiqinaya kulamada Champions League ee lugta hore ee wareegga siddeedda, kuwaas oo u qaybsan labada habeen ee Salaasada iyo Arbacada oo min laba ciyaarood la dheelayo.

Caawa ayay ballansan yihiin labada kooxood ee taariikhda weyn ku leh tartankan ee Real Madrid iyo Liverpool oo lugta hore ku ciyaaraya magaalada Madrid, halka ciyaarta xigtana ay toddobaadka dambe tegiayaan garoonka Anfield.

Ciyaarta labaad ee caawa ayaa garoonka Etihad Stadium ee magaalada Manchester ay jilbaha isku dhiganayaan Manchester City iyo Borussia Dortmund, waxaana si la mid ah ciyaarta sare ay lugta labaad tegi doonaan waddanka Jarmalka.

Habeen dambe ayay iyagana jiraan laba ciyaarood oo adag, waxaana midda isha gaarka ah lagu hayaa ay tahay Bayern Munich oo martigelinaysa PSG, halka Chelsea iyo FC Porto ay iyaguna waddanka Portugal lugta hore ku ciyaarayaan.

Kulamada caawa ayaa waxa daadihin doona wariyeyaal caan ah oo uu telefishanka beIN Sports qaybtiisa luuqadda Carabigu u doortay, waxaana sidaas oo kale ah habeen dambe oo ay laba wariye oo khabiir ahi hayaan.

Wariyeyaasha caanka ah ee Cusaam Shuwaali iyo Rauf Khaliif ayaa midba uu habeen shaqaynayaa, waxaana soo horreynaya Cusaam Shuwaali oo loo dhiibay kulanka Real Madrid iyo Liverpool, waxaana baahinta kale ee caawa ku jira Xafiid Daraaji oo loo doortay in uu qabto kulanka Manchester City ay ku martigelinayso Borussia Dortmund.

Rauf Khaliif ayaa isaguna habeen dambe daadihin doona ciyaarta Chelsea ay martida u tahay FC Porto, halka kulanka kale ee Bayern Munich vs PSG uu qaban doono Jawad Badah.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*