Wariyeyaasha Luuqadda Carabiga Ku Tabinaya Kulamada Champions League Ee Caawa & Habeen Dambe – Yaa Loo Doortay PSG vs Bayern & Liverpool vs Real Madrid?

Afar ciyaarood oo laboba habeen yihiin ayaa caawa iyo habeen dambe oo lagu go’aaminayaa afarta kooxood ee kasoo gudbaya wareegga semi-finalka tartanka Champions League.

Waxa caawa kala baxaya PSG iyo Bayern Munich oo lugtoodii hore ee magaalada Munich ay 3-2 kusoo badisay PSG, waxaanay lugta labaad ku ciyaarayaan magaalada Paris, waxaana kooxda reer Germany laga doonayaa in guul soo laabasho ah ay samayso haddii kale waxay ka hadhaysaa koobka ay xilli ciyaareedkii hore ku guuleysatay.

Sidaas oo kale, Chelsea oo kulankii hore kasoo guulesyatay FC Porto ayay mar kale caawa ku kala baxayaan wareegga siddeedda, iyadoo ciyaartoodii horena ay Blues kusoo badisay 3-0.

Habeen dambe ayaa lasoo gabogabaynayaa wareegga siddeedda ee tartankan, waxaanu kusoo xidhmayaa natiijooyinka kulamada ay ku ballansan yihiin Liverpool vs Real Madrid iyo Borussia Dortmund vs Manchester City.

Lugtii hore ee Liverpool iyo Real Madrid, waxa 3-1 kusoo badisay Los Blancos, waxaana Reds looga baahan yahay in ugu yaraan ay ku badiso 2-0 si ay usoo gudbaan, laakiin haddii ay natiijo intaa ka hoosaysa la yimaaddaan amaba iyaga goolal laga dhaliyo, waxa durduro kusoo baxaysa Real Madrid.

Manchester City ayaa iyaduna ciyaartii hore 2-1 kaga badisay Borussia Dortmund, waxaana goolka guusha waqtigii dhimashada u saxeexay Phil Foden. Farqiga labadan kooxood ku kala bixi karayaan ayaan looga baahnayn goolal badan. Tusaale ahaan, haddii Dortmund ay ku badiso 1-0 amaba ka badan waxay u gudbi doontaa wareegga xiga, halka Manchester City ay kusoo baxayso in ay badiso amaba barbarro keento.

Telefishanka beIN Sports oo kulamadan baahintaya ayaa shaaciyey wariyeyaasha luuqadda carabiga ku tabinaya kulamadan, waxaana labada habeen ba maqan oo aan joogin wariyaha codka macaan ee Rauf Khalif, halka Cusaam Shuwaali na loo doortay kulanka Manchester City ay martida ugu tahay Borussia Dortmund.

Sida wariyeyaashu ugu qoran yihiin baahinta kulamada Champions League:

Salaasa

PSG vs Bayern Munich – Jawaad Badah

Chelsea vs FC Port – Khaliil Baluushi.

Arbaca

Borussia Dortmund – Cusaam Shuwaali

Liverpool vs Real Madrid – Xafiid Daraji

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*