WARBIXIN: Waa Kuwan Shanta Ciyaartoy Ee U Dhaarsan Inay Kala Dhantaalaan Kali-Taliska Khadka Dhexe Ee Kroos-Modric-Casemiro

Luka Modric ayaa dhawaan heshiis kordhin sameeyay, Toni Kroos ayaa saxaafada kahor sheegay inuu doonayo inuu ku hawl-gabo kooxda halka Casemiro awoodiisa qolka labisku ay sii kordhayso kaddib bixitaanka Sergio Ramos.

Saddexdaas xiddig ayaa ahaa kuwo si joogto ah ugu soo bilaabanayay khadka dhexe ee Real Madrid gaar ahaan wakhtigii tababare Zinadine Zidane oo kaligood kooto ugu xidhay khadka dhexe ee shaxdiisa.

kU1iku4r?format=jpg&name=small

Haddaba, waxa jira shan ciyaaryahan oo isku dayi doona inay saddexleydaas kali-taliska ka ah khadka dhexe jabiyaan iyaga oo isku muujinaya tababaraha cusub ee Carlo Ancelotti.

Shanta xiddig ayaa kala ah Isco, Fede Valverde, Dani Ceballos, Martin Odegaard iyo da’yarka khadka dhexe ee Blanco. Aan ku bilawnee Blanco ayaa isagu doonaya inuu helo fursado kale kaddib markii uu isku muujiyay wakhtiyadii uu tababare Zidane siiyay xilli ciyaareedkii hore.

Dhinaca kale Martin Odegaard oo kooxdu ay rajo weyn ka dhex arkaysay markii uu kusoo biiray ayaan wali xilli ciyaareed dhammaystiran oo uu isku muujiyo helin, kaddib lix bilood oo uu amaah ugu soo ciyaaray Arsenal ayaa la arki doonaa waxa uu Ancelotti u qorsheeyay.

Dhinaciisa Ceballos ayaa doonaya inuu joogo oo uu booskiisa u dagaalamo sida uu sheegay dhawaan, Dani oo isaguna laba sano amaah kula soo joogay Arsenal ayaa kaddib markii uu fursad ka waayay Zidane haatan wanaag ka rajaynaya Ancelotti.

Isco ayaa isaguna doonaya inuu dib ugu soo laabto qaabkiisii ugu fiicnaa, Isco ayaa afar khad dhexe oo uu Ancelotti wakhtigiisii hore ee Real adeegsan jiray ku jiray balse labadii sano ee ugu dambeeyay aan kasoo ag-dhawaan xulashada koowaad ee Los Blancos.

Ugu dambayn, Fede Valverde ayaa shaki la’aan aaminaad kale u qalma, Valverde oo uu Zidane adeegsan jiray marka uu ka maqan yahay mid ahaan Kroos, Casemiro ama Modric ayaa boosas badan oo kala duwan uga soo ciyaaray Madrid, xilli ciyaareedkan Fede ayaa isku dayi doona inuu booskiisa joogto u helo.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

2 Fekradood

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*