WARBIXIN: Waa Kuwan SHANTA Ciyaartoy Ee Ay Liverpool Iyo Jurgen Klopp Isha Ku Hayn Doonaan Tartanka EURO

Liverpool ayaan la filayn inay lacag badan ku bixiso suuqa xagaaga ee sanadkan balse saxeexa weeraryahan cusub ayaa la sheegayaa inay muhiimada koowaad u tahay kooxdaas.

Wargeyska Express Sport ayaa soo bandhigay magacyada shan ciyaaryahan oo ay Liverpool u dhaqaaqi karto isla markaana ay ku qiimayn karto bandhigooda tartanka Euro ee dhawaan bilaabmaya.

Xiddiga koowaad ayaa ah Jeremy Doku oo xulka Belgium meteli doona, 19 sano jirkaas ayaa qarka u fuulay inuu Liverpool ku biiro sanadkii 2018 kaddib markii uu xeradeeda tababarka booqday. Doku ayaa xagaagii hore Rennes ku biiray isla markaana wacdarro ku dhigay sanadkiisii koowaad.

Donyell Malen oo ah xiddig xulka Netherlands kasoo muuqan doona ayaa sidoo kale bar-tilmaameed u ah Liverpool, 22 sano jirkaas ayaa xilli ciyaareedkii hore isku soo muujiyay PSV isaga oo 27 gool iyo 10 caawimo soo sameeyay. Dalab 25 Milyan oo pound ah ayaa qancin kara kooxdiisa.

Kasper Dolberg oo Denmark qayb ka ah ayaa sidoo kale ay qiimayn doontaa Liverpool, 23 sano jirkaas ayaa hore Ajax uga tagay kuna biiray Nice halkaas oo uu hibadiisa kusoo muujiyay, qaab ciyaareed fiican oo uu Euro ka sameeyo ayaa heerka xiga gaadhsiin kara.

Garabka xulka Spain ee Adama Traore ayay sidoo kale isku dayi karaan Reds, xiddiga Wolves oo horeba iskugu muujiyay Premier League ayay si fiican oo uu u ciyaaraa ka caawin kartaa inuu Anfield ka dego.

Dhaliyaha Sweden ee Alexander Isak ayaa markale kasoo dhalaalay Real Sociedad sanadkii hore isaga oo 17 gool usoo dhaliyay, Isak ayay 60 Milyan oo pound ku qiimaysaa kooxdiisu.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*