WARBIXIN: Kumaa Taajirsan Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi?

Muran la’aan Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa ahaa labada xiddig ee ugu saameynta badnaa 20kii sannadood ee ugu danbeeyay. Kaliya kuma xafiiltamaan garoonka dhexdiisa laakiin waxay sidoo kale ku tartamaan taageerayaasha ay ku leeyihiin baraha bulshada, koobabka ay qaadeen, abaalmarinada, rikoodhyada iyo sidoo kale hantida ay shaqeysteen.

Lacag aad u tiro badan ayaa soo gashay labadaan ciyaaryahan tobankii sannadood ee ugu danbeysay, qeybo badan oo ka mid ah lacagtooda waxay ku sameysteen maalgashiyo ganacsi oo kala duwan halka inta soo hartay ay ku qarashgareeyeen sidii ay u heli lahaayeen nolol raaxo leh.

Taageerayaasha kubada cagta ayaa inta badan xiiseeya inay wax ka ogaadaan hantida Messi iyo Ronaldo iyo xiddiga  taajirsan labadooda. Hadaba shabakada Laacib waxay warbixintaan ku eegeysaa hantida labada xiddig iyo midka taajirsan.

Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi
Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi

Lionel Messi: Maxay tahay hantidiisa?

Warbaahinta Spain ayaa sheegtay in hantida Lionel Messi uu shaqeystay 16kii sannadood ee uu garoonka ku jiray ay gaareyso 800 milyan doolar.Kabtanka Barcelona wuxuu leeyahay huteelo 4 stars ah oo ku yaala magaalooyinka Spain ee loo dalxiiska tago ee kala ah Ibiza, Mallorca, Sitges iyo Baqueira Beret.

Si la mid ah sida ay sheegtay majalada dhaqaalaha ee Forbes, Messi waxa uu lacagtiisa qeyb ka mid ah ku maalgeliyay shirkad Shiinaha ku taala oo leh goobo caruurta lagu ciyaarsiiyo, wuxuu sidoo kale dhismo weyn oo 40 dabaq ka kooban ku leeyahay dalkisa.

Messi wuxuu sidoo kale leeyahay guri aad u weyn oo ku fadhiya dhowr milyan doolar oo ku yaala meel 25 kiilomitir u jirta magaalada Barcelona. Jariirada Forbes waxay sheegtay in hantidiisa haatan lagu qiyaaso 400 milyan doolar.

Cristiano Ronaldo: Maxay tahay hantidiisa?

Cristiano Ronaldo ayaa mar aan sii fogeyn noqday xiddigii ugu horeeyay kubada cagta ee shaqeystay hal bilyan doolar taasoo ka dhigeysa in dhakhligii soo galay uu aad uga weyn yahay midka soo galay Messi, waxaana ugu wacan heshiisyada xayaysiinta CR7 oo qaali ah.

Ronaldo wuxuu sameeyay maalgashiyo badan sida ay shaacisay majalada GQ oo ay ka mid tahay huteelo waa weyn oo kuwa raaxada ah, wuxuu leeyahay xarun timaha lagu beero, wuxuu magaciisa ku soo saaraa barfuuno, dharka hoosta laga xirto, wuxuu ganacsiyo jirdhis ah ku leeyahay Portugal iyo Spain.

Forbes waxay shaacisay in hantida Cristiano Ronaldo ee haatan inay gaareyso 500 milyan doolar, taasoo ka dhigeysa inuu 100 milyan doolar ka taajirsan yahay xiddiga ay xafiiltamaan ee Messi.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*