Wararkii U Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Jimce Ah Ay Qoreen Wargeysyada Yurub

Barcelona iyo Real Madrid ayaa iskaga baxay tartanka Erling Haaland kaddib markii uu 20 jirkani dalbaday mushahar 35 milyan oo Euro ah sannadkii. (Goal)

Manchester United waxay diyaar u tahay inay dalab ka gudbiso difaaca Fiorentina iyo xulka qaranka Serbai ee Nikola Milenkovic, laakiin kooxda Talyaaniga ayaa dalbanaysa ugu yaraan £38 milyan oo Gini 23 jirkeedan. (Sun)

Paris St Germain waxay ku cadaadinaysaa Kylian Mbappe in uu saxeexo heshiis cusub, laakiin weeraryhankan reer France ee 22 jirka ah ayaan doonaynin in uu heshiis waqti dheer ah saxeexo. (L’Equipe)

Tababaraha Everton ee Carlos Ancelotti ayaa ogolaaday in la iibiyo weeraryahanka 21 jirka ah ee Moise Keane oo amaah ugu maqan PSG. (Mail)

Real Madrid diyaar uma aha in ay iibiso 22 jirka khadka dhexe ee reer Norway ee Martin Odegaard oo amaah ugu maqan Arsenal. (Marca)

West Ham ayaa rajaynaysa in Arsenal ay ogolaan doonto in weeraryahanka Eddie Nketiah oo 21 jir ah ay si rasmi ah ula saxeexato xagaaga. (Evening Standard)

Mancdhester United iyo Arsenal ayaa lala xidhiidhinayaa 18 jirka khadka dhexe ee reer France ee Edouardo Camavinga oo go’aansaday in aanu cusboonaysiinin heshiiskiisa Rennes. (Marca)

Manchester United waxay doonaysaa 24 jirka difaaca uga ciyaara Fulham iyo xulka Denmark ee Joachim Andersen oo hadda amaah ugu maqan Lyon. (B.T)

Bayern Munich waxay doonaysaa in Massimiliano Allegri ay ka dhigto tababaraheeda beddelaya Hansi Flick. Allegri ayaan wax shaqo ah qabanin tan iyo markii uu ka tegay Juventus sannadkii 2019. (Sport Mediaset)

Difaaca Barcelona ee Samuel Umtiti oo 27 jir ah ayaa kooxdaas ka tegaya xagaagan, waxaanay Barca qorshaynaysaa in ay AC Milan kala soo saxeexato 26 jirka Talyaaniga ah ee Alessio Romagnoli. (Mundo Deportivo)

Kubbad-sameeyaha Manuel Locatelli ee dhexda uga ciyaara Sassuolo ayaa sheegay in uu danaynayo in uu bannaanka u baxo. 23 jirkan ayaa lala xidhiidhinayaa Manchester City. (Corriere dello Sport)

Arsenal ayaa iyaduna bartilmaameed ka dhiganaysa Locatelli oo ay muddo shan sannadood ah daba socotay. (Football.London)

Ashley Young oo ah 35 jir u ciyaara Inter Milan, horena uga tegay Manchester United ayaa qorshaynaya in uu ku laabto kooxdiisii hore ee Watford. (Mail)

Barcelona ayuu qorshaheeda soo agalay weeraryahanka reer Spain ee Dani Olmo oo ah 22 jir u ciyaara RB Leipzig, kaas oo hore uga soo baxay kulliyadda Barca. (Sport)

Atletico Madrid waxay xiisaynaysaa 19 jirka khadka dhexe ee Nicolo Rovella oo Talyaani ah, kaas oo ay Genoa amaah kaga qaadatay Juventus. (Mundo Deportivo).

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*