Wararka SUUQA: Arsenal Oo Daafac Qarka U Saaran, Chelsea Oo Xiddig Barcelona Nacday Doonaysa & Liverpool Oo Weeraryahan Maanta La Wareegi Karta

Sergio Ramos ayaa qiimaynaya dalabaad uu ka helay Man City, PSG iyo Bayern Munich kahor inta uusan go’aan gaadhin. (ESPN)

Tottenham Hotspur ayaan haysan wax dookh ah oo ay sanad kale kusii haysanayso Gareth Bale waxaana uu ku laaban doonaa kooxdiisa Real Madrid oo heshiiska uu kula joogo ay 12 bilood oo kale uga hadheen. (Evening Standard)

Wargaysyada

Rennes ayaa sheegtay inaan wax dalab ah laga soo gudbin 18 sano jirkeeda khadka dhexe ee Eduardo Camavinga walow ay xiisaynayaan PSG iyo Man United. (Metro)

Roma ayaa kusii dhawaayanaysa inay Rui Patricio kala saxeexdaan kooxda Wolves. (Sky Sports)

Chelsea ayaa tixgelinaysa inay u dhaqaaqdo khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Miralem Pjanic balse tartan kala kulmi doonta Juventus iyo PSG oo dhinacooda ka raba 31 sano jirka ree Bosnia. (Sun)

Arsenal ayaa xiisaynaysa inay kooxda Benfica kala soo wareegto daafaca bidix ee Nuno Tavares kaas oo ay heshiiska ay ku doonayso horumar weyn ka samaysay. (Sky Sports)

AC Milan ayaa loosoo bandhigay fursada ay kula saxeexanayso James Rodriguez oo Everton ka tirsan iyo Philippe Coutinho oo Barcelona qayb ka ah. (Tuttosport – in Italian)

Newcastle ayaa kooxda Ligue 1 ku guuleysatay ee Lille kula tartamaysa saxeexa daafaca Arsenal ee William Saliba oo ay qaab amaah ah ku rabaan. (Mail)

Chelsea ayay ka go’antahay inay xagaagan sii haysato daafaca bidix ee Marcos Alonso walow ay Barcelona iyo Inter Milan xiiso usoo muujiyeen. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Arsenal ayaa xiisaynaysa saxeexa 27 sano jirka weeraryahanka ah ee kooxda Torino ee Andrea Belotti balse tartan kala kulmi doonta AC Milan, Fiorentina, Napoli iyo Roma. (Tuttosport, via 90Min)

Inter Milan weeraryahankeeda 20 sano jirka ah ee ree Uruguay ee Martin Satriano ayaa xiiso ka helaya Arsenal, Everton iyo Tottenham. (Mail)

Leicester City ayaa ah mid kamida kooxaha xiisaynaya saxeexa 26 sano jirka garabka weerar ee xulka Talyaaniga ee Domenico Berardi oo kooxda Sassuolo ka tirsan. (Gazzetta Dello Sport, via Leicester Mercury)

Norwich City ayaa kusii dhawaayanaysa inay Chelsea qaab amaah ah kaga qaadato Billy Gilmour. (Sky Sports)

Liverpool ayaa la saxeexan karta weeraryahanka kooxda Porto ee Otavio kahor inta uusan dhicin qoddobka dhigaya in heshiiskiisa 34 Milyan oo pound lagu jabin karo oo Arbacada berri ah ku eeg. (Star)

Barcelona ayaa heshiis cusub oo laba sano ah ka saxeexanaysa 29 sano jirka Sergi Roberto oo heshiiskiisu dhacayo xagaaga 2022. (Marca)

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*