WAR DHAMMAADAY: Lionel Messi Oo Ugu Dambayn Barcelona U Sheegay Go’aanka Mustaqbalkiisa – Miyuu Baxayaa?

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay, kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxdaas isla markaana sii joogi doona sanado dhaafsiisan xagaagan marka heshiiskiisa haddu dhacayo.

Heshiiska Messi uu imika kula joogo Barcelona ayaa dhacaya dhammaadka bisha June, mustaqbalkiisa kooxdaas ayaa ahaa mid cirka ku shareeran tan iyo markii uu xagaagii 2020 u sheegay inuu bixitaan rasmi ah doonayo.

Lionel Messi Salary 2021: Barcelona Contract Details Are Revealed

Laakiin hadda waxa ay u muuqataa in hubaanti la’aantii uu ka baxay mustaqbalka Messi isaga oo Barcelona u sheegay inuu kooxda sii joogayo sida uu sheegay muuq-baahiyaha ree Spain ee TVE.

Warbixinta TVE ayaa intaas ku daraysa in Messi uu madaxweynaha cusub ee Barcelona ee Joan Laporta u sheegay inuu bedelka heshiiskiisa cusub isaguna kooxda usoo xoojiyo.

Barcelona ayuu xilli ciyaareedkani u yahay mid isku dhafan, wareegii 16-ka ayay kaga hadheen UEFA Champions League kahor inta aysan dhawaan ku guuleysan Copa Del Rey iyaga oo dhinaca kale wali tartanka horyaalka La Liga ku jira.

Barcelona ayaa bishii December 12 dhibcood ka dambaysay kooxda hoggaanka haysa ee Atletico Madrid balse kaddib horumar ay samaysay kaddib hada kaliya 2 dhibcood ka dambaysa iyadoo waliba xalay lumisay fursad ay hoggaanka ku qaban karaysay kaddib guuldarro 2-1 ah oo ay Granada kagala kulantay Camp Nou.

Mid kamida waxyaabaha Messi ku sababaya inuu sii joogo ayaa ah in Laporta oo ay asxaab dhaw yihiin horena Messi madaxweyne ugu soo noqday Barcelona dhawaan xilkaas dib loogu doortay.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*