War Cusub Oo Kasoo Kordhay Dhaawacii XALAY Ee Karim Benzema & Haddii Uu Seegayo Euro-da

Xulka qaranka Faransiiska ayaa helay jawaab ka farxisay oo ku saabsan dhaawacii xalay soo gaadhay weeraryahankooda Karim Benzema oo laga saaray qaybta hore ee kulankii saaxiibtinimo ee Bulgaria.

Karim Benzema ayaa taam u noqon doona kulanka ugu soo horreeya ee Faransiisku la ciyaari doono Germany Axadda soo socota, taas oo ah kulanka ugu horreeya ee labadan waddan ay ku furanayaan tartanka qaramada Yurub ee Euro.

Sidee ayay wax u gaadheen Benzema?

Karim Benzema ayay isku dhaceen difaaca Bulgaria ee Ivan Turitsov qaybtii hore kulankii ka dhacay Stade de France daqiiqaddii 37aad, waxaana garoonka ugu yimid dhakhaatiirta, kaddibna waxa uu isku dayey in uu ciyaarta sii wato. Laakiin daqiiqaddii 41aad ayuu dalbaday in la beddelo kaddib xanuun badan oo uu dareemay, waxaana booskiisa yimid Olivier Giroud oo laba gool dhaliyey.

Sidii aanu saakaba ku sheegtay warbixintii aanu xogta dhaawaca kusoo bandhigtay, tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa sheegay in kaliya ay jug soo gaadhay, xaaladdiisana ay dhakhaatiirtu gacanta ku hayaan oo aanay dhibaato weyni jirin.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*