Wajigabaxii Ku Dhacay Willian Markii Ay Chelsea Qaaday Champions League & Hadal Ka Tagay Oo Dharbaaxo Ku Noqday

Willian ayaa wajigabax la kulamy ka dib hadal ka tagay markii uu u saxiixayay Arsenal taasoo haatan dharbaaxo ku noqotay.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee reer Brazil oo 32 sanno jir ah ayaa ka tagay Chelsea una wareegay Emirates Stadium xagaagii la soo dhaafay.

Taageerayaasha ayaa wax badan ka filanayay xiddigaan ka dib markii uu wacdarro dhigayo kulankiisii ugu horeysay ee Gunners laakiin weeraryahanka ayaa kaliya sameeyay lix caawin xilli ciyaareedka oo dhan isagoo dhaliyay kaliya hal gool kulankii ugu danbeeyay ee xilli ciyaareedka.

Willian waxaa haatan lala xiriiriyay inuu ka tagayo Arsenal kaliya 12 bilood uu kooxda joogay.

Laakiin hadal uu yiri markii uu ku biirayay kooxda ka dhisan Waqooyiga London ayaa haatan dharbaaxo ku noqday.

Willian ayaa yiri: “Mid ka mid ah sababaha aan u doonayay qandaraas seddex sannadood ah waxay aheyd inaan qeyb ka noqdo qorshe ciyaareed.

“Markii aan la hadlay tababaraha wuxuu ii sheegay inuu ii baahan yahay muddo seddex sannadood ah.

“Wuxuu marka hore doonayay inaan u soo baxno Champions League ka dibna ku guuleysano koobka marka aan baxayo. Taas ayaana doonayay inaan maqlo.”

Arsenal ayaa gabi ahaanba ka maqan tartamada Yurub xilli ciyaareedka soo socda markii ugu horeysay muddo 25 sannadood ah ka dib markii ay ku dhameysteen kaalinta sideedaad ee Premier League.

Kooxdiisa hore ee Chelsea ayaa cusbo sii marisay xanuunkii uu dareemayay ka dib guushii taariikhiga aheyd ee ay gaareen Sabtidii.

Thomas Tuchel ayaa Blues ku hogaamiyay koobka Champions League markii ay 1-0 kaga badiyeen Manchester City ciyaartii finalka.

Willian ayaa iska diiday inuu sii joogo Chelsea isagoo ku adkeystay inuu rabo qandaraas seddex sannadood ah. Wuxuu aaminsanaa inuu Arsenal ku qaadi doono Champions League laakiin kooxdii uu ka soo tagay ayaa sannad ka dib koobka u dabaaldegtay.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*