“Waanu Ka Badinay Kaddib Qof Aabihii Ayuu Ka Hadlayaa, Taasi Waa Shaqadiisa, Solskjaer Ciyaartoyda…..” – Pogba Oo Miino Ku Tuuray Mourinho Oo Tiisii Cuslaysay

Khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa markiisa hadalo xoogan hawada u mariyay tababare Jose Mourinho oo ay hore ugu soo wada shaqeeyeen kooxdaas isla markaana hadda hoggaan u ah Tottenham oo ay toddobaadkan wada ciyaareen.

Man United ayaa 3-1 uga soo adkaatay Spurs ciyaar xiiso badan oo sidoo kale murano badan ka dhaceen balse markale shirkii jaraa’id ee ciyaarta ka dambeeyay ayaa ahaa mudo cusbo badan oo ay Ole Gunnar Solskjaer iyo Jose hadalo is dhaafsadeen.

Image

Solskjaer ayaa isaga oo ka hadlayay dhacdadii uu Son Hueng Min dhulka isku tuuray ee goolka lagaga diiday Manchester ayaa sheegay in haddiiba wiilkiisu uu sidaas oo kale samayn lahaa aysan asxaabtiisa kooxdu caawiyeen.

Mourinho oo u jawaabayay Ole Gunnar ayaa sheegay in Son uu leeyahay aabe ka wanaagsan tababaraha ree Norway oo wiilkiisa caawiya walow wiilka Solskjaer qudhiisa oo saxaafada la hadlay uu sheegay in aabihii uu isaga caawiyo isla markaana Mourinho uu natiijada kulanka ka war-wareegayay.

Markale Pogba ayaa hadda sheegay in Mourinho ay shaqadiisa tahay inuusan ka hadal natiijada marka laga badiyo oo uu dhinac kale u dhaqaaqo isaga oo sidoo kale sheegay waxa uu Solskjaer kaga fiican yahay Special One.

Pogba ayaa yidhi “Waxaanu guuleysanay kulanka. isagu (Jose Mourinho) waxa uu guuldarraystay kulanka mana doonayo inuu kulanka ka hadlo, waxa uu doonayaa inuu qof aabihii ka hadlo, taasi waa shaqadiisa, waad garanaysaa, qofkasta wuu garanayaa isaga”

“Xidhiidhka aan hadda la leeyahay Ole wuu ka duwan yahay (Midkii Mourinho), isagu ciyaartoyda kuma jeedsado, isagu ciyaartoyda kuma jeedsan doono”

“Mar ayaan xidhiidh wanaagsan la lahaa Mourinho, qofkasta wuu arkay midaas maalintii xigtayna wixii dhacay ma ogidin, kaasi waa arrin qariib ah oo aan la lahaa Mourinho, kuumana sharixi karo sababtoo ah xataa aniga ayaan garanayn”

Mourinho ayaa xilli ciyaareedkan marar badan ku jees-jeesay kooxdiisii hore isaga oo ku eedeeyay rigoorayaal loo dhigo iyo inay is tuuraan si ay u samaystaan rigoorayaasha, hadalka Pogba ayaa kusoo beegmaya xilli uu tababaraha ree Portugal dhib ka mudanayo shaqadiisa Spurs oo ay macquul tahay in la caydhiyo.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*