Waan Baxayaa!! – Xiddig Ay Jecel Yihiin Jamaahiirta Man United Oo Go’aan Buuxa Ku Gaadhay Inuu Iskaga Tago Old Trafford

Daafaca dhexe ee kooxda Manchester United ee Eric Bailly oo kamid ah xiddigaha kooxdaas kuwooda ay ugu jecel yihiin taageerayaashu ayaa ka cago jiidaya inuu heshiis cusub u saxeexo kooxdiisa isaga oo taas bedelkeeda doonaya inuu gabi ahaanba iska tago.

27 sano jirkaas ayaa khaati ka taagan in tababare Ole Gunnar Solskjaer uu ku yareeyay fursada uu ku ciyaarayo, iyadoo hadda Manchester ay suuqa ugu jirto saxeexa daafac dhexe ayuu dhinaciisa ka doonayaa inuu iskaga hayaamo kooxdaas.

Eric ayaa isku diyaarinaya inuu Old Trafford iskaga baxo suuqa sanadkan iyadoo markaas heshiiska uu kula joogo kooxdaas iuu kaliya hal sano oo kale ka hadhsanaan doono.

Bailly ayaa ahaa saxeexii ugu horreeyay ee uu Jose Mourinho sameeyay markii kooxdaas loo magacaabay sanadkii 2016 isaga oo lacag 30 Milyan oo pound ah kaga yimid dhinaca Villarreal balse dhawaanahan ayuu hoos uga dhacay xulashada tababare Solskjaer.

Kabtanka Red Devils ee Harry Maguire iyo daafaca ree Sweden ee Victor Lindelof ayaa ahaa lamaanaha daafaca dhexe ee uu doorbidayay Solskjaer taas oo fursada ku yaraysay Bailly.

Daafaca Ivorian-ka ah ayaa in ka badan 100 kulan usoo ciyaaray Man United laakiin waayihiisa kooxda ayaa ahaa kuwo ay dhaawacyo saamayn badan ku yeesheen.

Bailly ayaa ahaa mid ka maqan Manchester saddexdii kulan ee ugu dambeeyay kaddib markii laga helay caabuqa Korona Fayras oo uu karantiin u galay.

Mid kamida waxyaabaha kale ee Bailly ka erayaya Old Trafford ayaa ah in kooxdiisu ay saxeexa daafac dhexe doonayso, mid kamida xiddigaha booskaas loola xidhiidhinayo ayaa ah daafaca dhexe ee Real Madrid ee Raphael Varane.

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*