Waa Maxay Xanuunka Cusbitaalka Loo Dhigay Aubameyang Ee Uu Kasoo Qaaday Afrika?

Weeraryahanka Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa la dhigay cusbitaalka, iyadoo laga daaweynayo Duumo/malaariyo kusoo dhacday intii uu ku maqnaa kulamada caalamiga ahaa ee waddankiisa Gabon.

31 jirkan ayaa xulka qaranka Gabon u dhaliyey gool ciyaartii ay 3-0 ku garaaceen DR Congo isreeb-ree bka Koobka Qaramada Afrika dhamaadka bishii hore, waxaase uu halkaas kasoo qaaday xanuunka Duumada/Malaariyo.

Cudurkan oo ay keento Kaneecadu, ayaa uu u galay cusbitaal inkasta oo uu jiifay labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey.

Inkasta oo uu ciyaaray kulankii April 8 ee lugta hore ee semi-finalka Europa League, haddana waxa uu ka maqnaa ciyaartii Sheffield United ee Sabtidii iyo kulankii xalay ee Slavia Prague ay ku garaaceen.

Bartiisa bulshada ee Instagram ayuu xalay soo dhigay isagoo cusbitaalka jiifa oo aan wali bogsanin, waxaana qoraal uu soo raaciyey uu ku sheegay in maalmihii ugu dambeeyey ee usbuucan uu ku jiray cusbitaalka, laakiin hadda ay xaaladdiisu kasoo raynayso.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa qoraalkiisa ku yidhi: “Maalmo yar oo toddobaadkan ah ayaan ku qaatay cusbitaalka. Waxa aan dareemayaa in maalin walba aan kasoo fiicnaanayo sidii hore, way mahadsan yiihiin dhakhaatiirta helay xanuunkayga ee iga daaweeyey fayraska sida degdegga ah.

“Toddobaadyadii ugu dambeeyey maan fiicnayn laakiin waxaan si degdeg ah usoo laaban doonaa anigoo sidii hore ka xooggan!”

Xanuunkan oo ay keento Kaneecada dheddig ee dadka ku qaniinta meelaha kala duwan, ayaa waxa xanuunku soo baxaa toddoba illaa 18 maalmood marka ay ku qaniinto ee fayraskeedu uu galo jidhka qofka.

Miyaa la is-qaadsiiyaa Duumada/Malaariyada/Kaneecada?

Xanuunkan maaha mid faafa oo ay dadku is-qaadsiiyaan laakiin waxa gudbisa kaneecada oo haddii ay kugu qaniinto dalal kala duwan ay ugu dambaynta keento in ay qofka soo ridato.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*