Waa Maxay Sababta Ay Scotland Oo Ka Mid Ah Dalka UK Ay U Taageereyso Ukraine Kulanka Caawa Ee England?

Taageerayaasha Scotland ayaa go’aansaday inay taageeraan Ukraine kulanka caawa ee wareega sideed dhamaadka ee ay la ciyaarayaan xulka England.

Xulka Scotland ayaa waxay Group D kula jireen England laakiin waa laga reebay tartanka ka dib markii ay galeen kaalinta ugu hooseysa.

Capture 2

Inkastoo ay ka hareen koobka hadana naceybka ay u qabaan England ma ahan mid meesha ka baxay iyagoo rajeynaya in England caawa laga reebo tartanka Euro 2020.

Soctland iyo England waxay kawada tirsan yihiin UK ama United Kingdom oo ka kooban England, Scotland, Wales iyo North Ireland. Laakiin Scotland oo ku hungowday inay ka go’do UK ayaa naceyb taariikhi ah uu kala dhaxeeyaa England.

England iyo Ukraine ayaa caawa u tartamaya booska semi-finalka iyadoo xulkii soo baxa uu la ciyaari doono Denmark oo caawa ka soo gudubtay Czech Republic.

Magaalooyinka Scotland waxay dadku guryahooda surteen calanka Ukraine si ay ugu dhiirogeliyaan xulka tababare Andiy Shevchenko inay reebaan England.

Image

Qaar ka mid ah taageerayaasha Scotland ee baraha bulshada ayaa iyagana calanka Ukraine soo saartay bogagooda si ay u soo bandhigaan inay garab taagan yihiin Ukraine caawa.

Xulka Three Lions ayaan wax gool ah laga dhalinin koobkaan iyagoo shabaqa ilaashaday afartii kulan ee ay ciyaareen ilaa iyo haatan.

Guushii 2-0 ee ay ka gaareen Germany habeenkii Talaadada ayaa xulka England iyo taageerayashooda niyada u dhistay.

Si However, Ukraine will be no pushovers and they battled to a 2-1 win over Sweden in extra-time in their last-16 clash.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*