Waa Kuwee Saddexda Xiddig Ee Laf-Dhabarta Ah Ee Arsenal Usoo Laabanaya Kulanka Guul Ama Geerida Ah Ee Villarreal?

Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa helay war wanaagsan isaga oo sheegay in saddexda xiddig ee muhiimada weyn u leh kooxdiisa ee Kieran Tierney, Pierre Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazette uu dhammaantood filanayo inay taam u noqdaan kulanka adag ee Villarreal ee Khamiista.

Iyadoo Arsenal ay ka maqantahay afarta kaalmood ee ugu sarreeya Premier League, rajada kaliya ee ay ka qabaan inay Champions League ka ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe ayaa ah inay ku guuleystaan UEFA Europa League.

Arsenal ayay hadda kaliya saddex kulan ka xigaan inay sidaas sameeyaan balse si ay ugu guuleystaan ayay u baahan yihiin inay dib u helaan ciyaartoydooda ugu fiican.

Arteta oo ka hadlayay shirka jaraa’id ee ka horreeya kulanka Villarreal ka sheegay war ka farxiyay taageerayaasha kooxdiisa oo ah inay xaalada Tierney, Auba iyo Laca aad u fiican tahay.

“Dhammaantood waa kuwo aanu u tixgelinayno inay diyaar noqdaan, dhammaantood, oo uu ku jiro Aubameyang, oo uu ku jiro Tierney oo uu ku jiro Lacazette”

Tierney ayaa la filayay inuu seegi doono inta xilli ciyaareedka ka hadhsan kaddib dhaawac ku gaadhay kulankii Liverpool balse xiddiga Scottish-ka ah ayaan u baahan qaliinkii la filayay.

“Isagu uma baahan qaliinkii aanu ka cabsi qabnay, isagu maalinkasta si adag ayuu u shaqaynayay” ayuu yidhi Arteta oo xaalada Tierney ka hadlayay.

Aubameyang oo in mudo ah ku maqnaa sababta xanuunka duumada iyo Lacazette oo dhaawac ku seegay kulankii ay guuldarrada 1-0 ka ah kala kulmeen Everton ayaa iyaguna filanaya inay garoomada kusoo laabtaan Khamiista.

Arteta ayaa ogsoon inuusan Villarreal kala hortagi karin safkii uu guuldarrada kagala kulmay Everton oo halistooda weerar aad u yarayd.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*