Waa Kuwan Labada Rekoodh Ee FADEEXADA Weyn Ah Ee Barcelona Loo Diiwaangaliyay Kulankii Bayern Ee Xalay

Kooxda Barcelona ayay xalay markale si cad ugu awood sheegatay dhigeeda Bayern Munich oo ugu timid gegida Camp Nou isla markaana 3-0 kaga adkaatay ciyaar ahayd furitaanka wareega Group-yada.

Bavaria ayaa saddexda gool ee ay saddexda dhibcood ee sahlan ku qaateen ka kala helay Thomas Muller oo goolka furitaanka dhaliyay iyo Robert Lewandowski oo labada gool ee kale raacsaday.

5VQINHMK?format=jpg&name=small

Haddaba, mid kamida laba rekoodh oo madaw oo Barcelona looga qoray kulankaas ayaa ah inaysan wax darbo ah oo goolka ku aaday samaynin ciyaarta oo dhan markii ugu horreysay tan iyo 2003-04.

Barcelona ayaa kulankaas ku ciyaaraysay hab daafac kaddib markii uu tababare Ronald Koeman kusoo shirtagay shax ciyaareedka 3-5-2 iyagoo ku xisaabtamayay weerarka rogaal celiska ah walow ay ka waayeen Bayern oo cadaadis ba’an ku ciyaaraysay.

Rekoodhka kale ee taariikhda madaw ku ah Blaugrana ayaa ah in markii ugu horreysay taariikhdooda saddex kulan oo xidhiidh ah lagaga badiyay Camp Nou tartanka Champions League.

Saddexdaas guuldarro ee xidhiidhka ah ayay kala kulmeen Juventus oo 3-0 uga adkaatay kulankii ugu dambeeyay ee wareega Group-yada xilli ciyaareedkii hore, kulanka kale ayaa ahaa midkii ay guuldarrada 4-1 ka ah ka heleen Paris Saint-Germain wareegii 16-ka ee xilli ciyaareedkii hore halka guuldarrada kale ay tahay midii xalay.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*