Waa Kuma Xiddiga Uu Ka Baqanayo Toni Kroos Ee Chelsea Ugu Soo Bilaabanaya Caawa?

Chelsea ayaa rajaynaysa in ay u gudubto finlka Champions League markii ugu horreysay tan iyo 2012 laakiin wax aka horreysa Real Madrid oo ay tahay in ay meel iska saarto, haddii kalena kooxda reer Spain ayaa garoonka Ataturk Olympic Stadium ee magaalada Istanbul kula ballami doonta Manchester City.

Labada kooxood oo kulankoodii toddobaadkii hore kusoo dhamaystay barbarro 1-1, waxay Chelsea kusoo gudbi kartaa barbarro goolal la’aan ah iyo in ay badiso intaba, laakiin haddii laga badiyo, amaba ay ku kala baxaan barbarro ka badan 1-1, Real Madrid ayaa u gudbi doonta ciyaarta ugu dambaysa.

Blues ayaa gool muhiim ah kusoo dhalisay Stadio Alfredo Di Stefano lugtii hore, halka Real Madrid uu guul-darro ka badbaadiyey Karim Benzema.

Thomas Tuchel ayaanay baqasho badan ka haysanin khadka dambe ee difaaca oo uu ku haysto dayr ay adag tahay in la jabiyo, halka Real Madrid ay iyaduba ku xooggan tahay booskaas oo qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkan ay bandhig fiican samaynayeen Nacho, Militao iyo Mendy.

Maadaama goolasha laga dhaliyey ay aad u yar yihiin intii uu Tuchel joogay, tababaraha reer Germany ayaa waxa uu ka fikiri doonaa sidii uu dhibaato ugu geysan lahaa Real Madrid waqti horeba isagoo adeegsanaya ciyaartoyda ay ka midka yihiin Mason Mount, Kai Havertz, Hakim Ziyech iyo Christian Pulisic.

Difaaca Real Madrid ayaa Arbacadii hore ku dhibaatooday sidii ay u joojin lahaayeen Pulisic, laakiin isbeddel uu sameeyo Tuchel ayaa sidoo kale ku abuuri kara dhibaato kale, iyadoo uu fursaddiisa doonayo Kai Havertz oo laba gool kasoo dhaliyey ciyaartii Fulham ee Sabtidii.

Wargeyska London-Football ayaa warbixin uu ka qoray kulankan, waxa uu sheegay in Kai Haverz uu cabsi iyo argagax ku ridi doono Real Madrid, gaar ahaan Toni Kroos oo ka baqaya laacibkan.

Wargeysku waxa uu sheegay in haddii uu Havertz kusoo bilowdo ciyaarta, isla markaaba la maqli doono Toni Kroos oo qaylinaya oo ciyaartoyda kooxdiisa uga digaya khatarta uu laacibkani ku abuuri karo.

Kroos ayaa sannadkii hore waxa uu ka sheekeeyey hibada ciyaareed eek u jirta laacibkan, isagoo sheegay in koritaankiisa ciyaareed uu yahay mid cajiib ah.

Waraysi uu siiyey wargeyska Sports Bild ayuu Kroos waqtigaas ku yidhi: “Haddii uu sii wado in uu sidan u ciyaaro, way adkaan doontaa in la joojiyo. Laakiin ma jirto wax damaanad ah waxaana mar walba jira isbaarooyin ka hor yimaadda waayahaaga.

“Kai hadda wuxuu qaaday tallaabada xigta iyo xaalad cusub. Waa in uu marka hore la qabsado (kooxdiisa).

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

6 Fekradood

  1. 1.1 ku lahaa Real ayaa finalka uu bixi doonta ma wxd jeceshahay baad no so qoraysaaaaa kkkkk chelsea 2 Real 1

    • 1.1 laguma dhihine wixi kasereeya ayaa lagu yiri wax aqriska xitaa waa lahubsadaaye

  2. Akhyarta dagdagu maficno e saacado koban aya hadhay wala arkidona inay chelsea sobaxdo iyo inkala wayo real iyo cup dhagaha weyneh xidhidh wanagsan aya oadhaxeyo runti lama odhan karo real wayhadhaysa wayo cawa ciyarta dhacayso culaysku waxa usaranyahay chelsea e maha real 1 goal haday dhaliso real ama 2 chelsea xalgu u ku adkandona

  3. Caawa ninka garoonka wax badan ka qaban doono waa kante mida kale tariikh da labada kooxood dib inad u xasuusatan ayaa ficnan lahed intadan deg degina

  4. Ciyaartu caawa waa barbaro chelsea 2 vs real 2 markaa chelsea ayaa hari doonta

  5. Ciyaar weyn ayaa dhacaysa caawa waana game ubaahn khibrado badan in lagaliyo fikirayga Chelsea waa inay iska iloowdo najiidadii hore oo aysan ku xisaabtamin una soo gasho inay badiso ama shabaqeeda goal ka ilaaliso sida ii muuqatana Chelsea waa ay soo bixi doontaa caawa sababtoo ah dhan walba way kaga wanaagsanthy Madrid

Comments are closed.