Waa Kuma Xiddiga Premier League Ka Ciyaara Ee U Dabaaldegay Guushii Ay Real Madrid Xalay Ka Gaadhay Liverpool?

Weeraryahanka kooxda Everton ee Richarlison ayaa noqday xiddig ka ciyaara Premier League oo u dabaaldegay guuldarradii xalay kooxda uu la xifaaltamo ee Liverpool kasoo gaadhay dhigeeda ree Spain ee Real Madrid.

Liverpool ayaa guuldarro 3-1 ah xalay kala soo laabatay magaalada Madrid waxaana ay taasi ka dhigan tahay in kulanka lugta labaad ee wareegan siddeed dhammaadka ay shaqo weyni u taalo.

Xiddiga garoonka ayaa ahaa da’yarka ree Brazil ee Vinicius Junior kaas oo laba gool ku kala dhantaalay Reds halka uu goolka kale saxeexay Marco Asensio oo ka faa’idaystay qalad ka dhacay daafaca Liverpool.

Sidoo kale Richarlison ayaa ah mid aqoon u leh waxa ay ka dhigantahay in gool laga dhaliyo Liverpool kaddib goolkii uu Anfield kaga dhaliyay bishii February si lamid ah sidii uu sameeyay xalay xiddiga ay xulka qaranka Brazil ka wada tirsan yihiin.

Richarlison ayaa barta Instagram soo dhigay sawir ay ku wada jiraan isaga iyo Vini si uu cusbo ugu sii xoqo nabarada jamaahiirta ay Merseyside ku xifaaltamaan ee Liverpool.

Image

Kulanka kaddib ayay ahayd markii uu tababare Jurgen Klopp garoonka Real Madrid ay kula ciyaareen ee Alfredo Di Stefano uu ku eedeeyay mid aysan xiddigaha kooxdiisu si fiican ugu ciyaari karin.

Sidoo kale Klopp ayaa ka cadhooday qalad aan loo dhigin Sadio Mane oo uu Lucas Vazquez ku galay isaga oo garsoorihii ciyaarta ee Felix Brych ku sifeeyay mid dhibaato shaqsi ah ku qabay Mane.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

1 Fekrad

  1. Nin Wax Koob Ah Utartameyn O Caag Cml Sanad Walbo Bilaa Natiijo Soo Taagan Maaha Niman Champion Iyo Koobab Ku Haminaayo Ku Digto

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*