Waa Kuma Xiddiga Man United Ee Sawir Ah Liverpool Ugu Dabaaldegay Go’aankii Ay Kooxdiisu Kaga Baxday Super League?

Da’yarka daafaca garab ee kooxda Manchester United ee Brandon Williams ayaa u muuqday mid deg-degay markii uu xalay muujinayay dareenkiisa farxadeed ee ah inay kooxdiisu iskaga baxday tartanka European Super League ee dhawaan la shaaciyay.

20 sano jirkaas ayaa isku dayay inuu soo qaato sawir uu ku muujinayo in kacdoonada ay sameeyeen taageerayaasha kubadda cagtu ay sabab u noqotay in lahor istaago Super League balse waxa uu si kama ah usoo qaatay sawir ah kooxda uu xifaaltanka ba’ani kala dhaxeeyo ee Liverpool iyo jamaahiirteeda.

Image

Willaims ayaa soo qoray qoraal ah “Idinka dhammaantiin, dhammaanteen waynu simanahay” wuxuuna soo qaatay sawirka kor ku xusan oo ah markii ay Liverpool u dabaaldegaysay Champions League 2005.

Williams ayaa deg-deg u ogaaday qaladka uu sameeyay daqiiqado kaddib isaga oo tirtiray sawirkaas hore isla markaana soo qaatay sawirka taageerayaasha Man United markii ay iskugu soo baxeen u dabaaldega Premier League 2013.

Laakiin taageerayaasha Liverpool ayaa isla markiiba arkay talaabada uu sida aan ulakaca ahayn u qaaday da’yarkaasi iyaga oo dareenkooda cabiray.

Image

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*