Waa Kuma Xiddiga Man United Ee Ay Toos Iskugu Dhaceen Guddoomiye Ed Woodward Markii Loo Sheegay In Kooxdu Ay Ku Biirtay Super League?

Kabtanka kooxda Manchester United ee Harry Maguire ayaa la sheegayaa inay erayo adag is dhaafsadeen guddoomiye ku xigeenka ahna madaxa fulinta kooxdiisa ee Ed Woodward kaddib markii uu xiddigaha u sheegay aragtida ah inay kooxdu ku biirtay tartanka cusub ee UEFA Super League.

Woodward ayaa dhawaan kulan la yeeshay shaqaalaha iyo xiddigaha kooxda isaga oo kala hadlayay arrimo la xidhiidha European Super League.

p1f3n43g351igjquml0r1ji1gqm11.jpg

Man United ayaa kamid ah kooxo 12 ah oo saxeexay qandaraaska ay ugu biirayaan tartankaas muranka badan dhaliyay iyagoo la wadaaga kooxo ay kamid yihiin Liverpoo, Real Madrid iyo Juventus.

Joel Glazer oo kamid ah mulkiilayaasha walaalaha ah ee Manchester United ayaa loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka ESL halka madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez uu madax ka yahay.

Si kastaba, tababare Ole Gunnar Solskjaer iyo xiddigaha kooxdiisa ayaa kaliya  loo sheegay arrimaha la xidhiidha ESL Axadii kahor kulankii ay Burnley guusha ka gaadheen.

Sida uu sheegayo wargeyska Daily Mail, qaar kamida xiddigaha tababare Solskjaer macalinka u yahay ayaa ka cadhooday in kooxdoodu ay loolankaas cusub ku biirtay.

Isla wargeyskaas ayaa sheegaya in qaar kamida xiddigaha kooxdu ay u arkaan tababare Solskjaer in la khiyaamay marba haddii intii hore aan waxba loo sheegin isla markaana uu su’aalo la xidhiidha tartankaas isagu wajahay kaddib ciyaartii Burnley.

Woodward ayaa xiddigaha kooxda u sheegay inay ka shaqaynayaan danta ugu fiican ee kooxda laakiin ciyaaryahano laga xusay magaca kabtan Harry Maguire ayaa muujiyay sida uu uga soo horjeedo aragtida uu wato.

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*