Waa Kuma Xiddiga Magac Weyn Leh Ee Barcelona Lala Xidhiidhinayay Ee Bilaabay Inuu Guri Uu Dego Ka Raadsado Magaaladaas?

Weeraryahanka kooxda Lyon ee Memphis Depay ayaa lagu soo warramayaa inuu ku sugan yahay magaalada Barcelona kaddib markii ay heshiis uu kooxdaas igu biirayo isla meel dhigeen kooxda.

Heshiiska uu 27 sano jirkaasi ku joogo Lyon ayaa ah mid dhammaanaya bisha June waxaana si xoogan loola xidhiidhinayay inuu tababaraha ay isku dalka yihiin ee Ronald Koeman kula midoobi doono Camp Nou.

Barça repeats formula and is negotiating down with Memphis Depay

Hadda waxay u muuqataa in warkaasi uu xaqiiqo noqon rabo kaddib markii xogo laga helayo magaalada Barcelona ay sheegeen in uu guri cusub ka raadsanayay magaalada toddobaadkii hore.

Sida uu sheegayo wargeyska caanka ah ee Mundo Deportivo, xiddiga Dutch-ka ah ayaa ahaa mid guri heer sarre ah ka raadsanayay agagaarka Pedralbes ee magaaladaas.

Kaddib markii uu booqasho ku tagay magaalada Barcelona oo uu guri ka raadsaday, Depay ayaa dib ugu laabtay Lyon isaga oo ka qayb qaatay kulankii adkaa ee ay kooxdaasi guusha 3-2 ah kasoo gaadhay dhigeeda Monaco.

Hadda Depay oo galaya bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa Lyon ayaa la filayaa inuu diido saddexda kooxood ee kala ah Atletico Madrid, Inter Milan iyo Juventus si uu Barca ugu wareego.

Depay ayaa suuqii xagaaga ee sanadkii horeba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Barcelona laakiin wakhtigaas ayuu heshiis qabsoomi waayay maadaama oo ay Barca awood u yeelan weyday inay xiddigo iibiso.

Muuq-baahiyaha ree Catalan ee Esport3 ayaa sheegay in Barcelona wadahadalada cusub ee ay la gashay Depay ay u bandhigtay kala badhka mushaharkii ay sanadkii hore kula heshiisay balse uu ogolaaday.

Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in Juve, Inter iyo Atletico ay dhaqaale ahaan uga fiicnaan lahaayeen Depay Barcelona laakiin uu doonayo inuu la shaqeeyo markale tababare Koeman.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*