Waa Kuma Xiddiga Loogu Yeedhay ‘Faraska Indhoolaha Ah’ Ee Chelsea? – Van der Vaart Oo Dood Muran Dhalisay Ku Dhex Tuuray Chelsea

Faraska indhaha la’ ma aha in uu ugu soo bilowdo Chelsea, waxaanay tahay in uu kasoo horreeyo laacibka reer Moroco ee Hakim Ziyech.

Chelsea ayaa xagaagii hore waxay lacag badan gelisay suuqa iyadoo lasoo saxeexatay xiddigo badan oo ay ka mi yihiin Hakim Ziyech, Timo Werner iyo Kai Havertz, halka uu bilaash ugu yimid Thiago Silva.

Tababare Thomas Tuchel oo bishii January beddelay Frank Lampard ayaa waxa uu kooxda kusoo celiyey jidka guulaha isagoo shaxda kooxdana ka dhigay mid aan la malayn karin oo maalinba uu taatiko guul keenta kusoo galo.

Xiddigii hore ee reer Netherlands ee Van der Vaart ayaa ka hadlay isbeddellada uu sameeyey Tuchel, waxaanu soo jeediyey in laacib uu ku tilmaamay ‘faraska indhoolaha ah’ aanu noqonin mid kasoo hormara Hakim Ziyech.

Van der Vaart ayaa soo jeediyey in ZIyech iyo Mason Mount ay iska garab ciyaaraan, isla markaana safka hore lagu soo celiyo Olivier Giroud si uu gool-dhalinta qayb uga noqdo, halka Werner uu ku tilmaamay mid farsamooyinkiisa ciyaareed ay liitaan.

Xilli uu waraysi siinayay Ziggo Sport, waxa uu laacibkan hore ee Tottenham iyo Real Madrid uu sheegay in Werner uu yahay ‘Faras indho la’, sidaas darteedna ay tahay in marka uu Tuchel safkiisa xulanayo uu kaydka kaga sii dambeeyo Ziyech, waxaanu yidhi: “Ziyech waa dookh wanaagsan. Mar walbana wuxuu awood u leeyahay in uu caawiyo weeraryahannada, isagana waxaaba usii baahan Giroud. Mount ayaa sidiisa oo kale ah, sidaa darteed, maxay tahay sababta aan loogu soo bilaabin.”

Timo Werner ayaa uu isagana ka hadlay, waxaanu yidhi: “Timo Werner aad ayuu u dheereeyaa, waxaana laga yaabaa in uu ku fiican yahay ciyaaraha dibedda ee Chelsea culaysku saaran yahay, laakiin hoos ayuu u fooraraa isagoo ordaya, sidaasna waxba kuma keenayo.

“Mount ayaa ciyaartoy heersare ah, waxaanay ila tahay in xataa uu sii fiicnaan doono haddii uu helo awood, laakiin Werner run ahaantii waa faras indhoole ah.”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*