Waa Kuma Xiddiga Lagu Naanayso “Ferrari” Ee Ay Real Madrid Ka Doonayso Horyaalka Premier League?

Sida ay sheegayaan xogihii ugu dambeeyay, kooxda Real Madrid ayaa daafaca dhexe ee Leicester City ee Wesley Fofana doonaysa inay ka dhigato bedelka Raphael Varane oo u muuqda mid kooxdeeda kasii jeeda.

Varane ayaa ah mid bar-tilmaameed weyn u ah Manchester United waxaana la filayaa inuu iskaga tago kooxda caasimada Spain kaddib tobban sano oo uu waxkasta kula soo guuleystay isaga oo doonaya horyaal iyo loolan cusub.

Fofana

Wargeyska Fichajes ayaa sheegaya in Los Blancos oo uu hoggaanka u hayo markan tababare Carlo Ancelotti ay si weyn u doonayaan saxeexa daafaca French-ka ah oo lagu naanayso “Ferrari” isla markaana uu u bixiyay xiddigii hore ee ree England ee Owen Hargreaves.

Fofana oo 20 sano jir ah ayaa xagaagii sanadkii hore kusoo biiray Leicester kaddib markii uu heshiis 31 Milyan oo pound ah ugaga yimid dhinaca kooxda Saint-Ettiene, tan iyo markaas ayuu 38 kulan uga soo muuqday tartamada oo dhan.

Kaddib markii uu xilli ciyaareedkiisii koowaad ee uu kusoo qaatay England horumar weyn soo sameeyay, 20 sano jirkaas ayaa haatan markale arkaya mustaqbalkiisa oo kooxo kale lagu saadaalinayo.

Warbixinta Fichajes ayaa sheegaysa in Madrid oo ka warqabta rabitaanka bixitaan ee Varane ay tahay mida sababtay in kooxdaasi ay kor u qaado xiisaha ay u muujinayso Fofana.

Si kastaba ha ahaatee, qiimaha Fofana lagaga kaxayn karo King Power Stadium ayaan ahayn mid sahlan waxaana ay Foxes iibkiisa dul dhigeen lacag 67 Milyan oo pound ah.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*