Waa Kuma Xiddiga Ay Quusta Ka Taagnaayeen Jamaahiirta Real Madrid Balse Ka Yaabsaday Tababare Ancelotti?

Khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Isco ayaa lagu soo warramayaa inuu ka yaabsaday tababarihiisa cusub ee Carlo Ancelotti xilli ay kooxdaasi bilawday kulamada la iskugu diyaarinayo xilli ciyaareedka cusub ee 2021-22.

Isco ayaa yimid sanadkan kulamada la iskugu diyaarinayo xilli ciyaareedka dambe isaga oo og sida ay muhiimka ugu tahay waayihiisa ciyaareed, imaatinka tababare Ancelotti ee Real Madrid ayaa 29 sano jirka Andalusian-ka ah u furtay albaab cusub.

pqni2zJ2?format=jpg&name=small

Sida uu sheegayo wargeyska Diario AS, Isco ayaa ka yaabsaday tababare Ancelotti ilaa haatan. Isco ayaa kubaddiisii ugu fiicnayd soo ciyaaray wakhtigii hore ee uu macalinka Talyaaniga ahi sii hoggaamiyay Madrid isaga oo 17 gool iyo 21 caawimo kusoo sameeyay 106 kulan.

Isco ayaa intii lagu jiray xagaaga si joogto ah u shaqaynayay waxaana uu kasoo xaadiray tababarka Los Blancos isaga oo xaalad jidh ahaaneed oo sarre ku jira.

Isco ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay eedaymo kula soo kulmayay inuusan jidh ahaan diyaar ahayn balse markan ayuu u muuqdaa mid fursadiisa ka faa’idaysanaya.

Si kastaba, Isco ayaa wali u baahan inuu sii qanciyo Ancelotti si uu u xaqiiqsado booskiisa ka qayb ahaanshaha safka kooxda. Heshiiskiisa Real ayuu hal sano ka hadhay waxaana uu u baahan yahay inuu sii muujiyo waxa uu kooxda kusoo kordhin karo si aysan u iibin gudaha suuqan.

Xilli ciyaareedkii hore, waxa xusid mudan in Isco uu xataa xulashada tababare Zinadine Zidane kaga dambeeyay da’yarta Sergio Arribas iyo Antonio Blanco.

Ancelotti ayaa u furan inuu fursad kale siiyo Isco balse tartanka khadka dhexe ee Los Blancos ayaa ah mid cirka ku shareeran waxaana uu loolan la geli doonaa Toni Kroos, Luka Modric, Martin Odegaard, Dani Ceballos iyo Fede Valverde.

Image

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*