Waa Kan Rekoodhka Ceebta Ah Ee Xulka Portugal Markii Ugu Horreysay Kala Kulmay Euro

Xulka qaranka Portugal ayaa xalay macasalaameeyay tartanka EURO 2020 iyaga oo ku hadhay sababta dhigooda Belgium oo guul 1-0 ah ka gaadhay sidaasna ugu wareegay heerka siddeed dhammaadka.

Gool madi ah oo uu dhaliyay Thorgan Hazard ayaa ah midka kasoo caawiyay Red Devils inay meel iska mariyaan Cristiano Ronaldo iyo asxaabtiisa kale.

IMG 20210628 063242

Haddaba, rekoodh aan hore looga baran oo uu xalay xulka Selecao ka samaystay Euro ayaa ah inuu markii ugu horreysay taariikhdiisa ku hadhay wareega 16-ka oo uusan gaadhin siddeed dhammaadka.

Portugal ayaa laga soo bilaabi 1984 oo ahayd markii ugu horreysay ee uu Euros ka qayb galo ugu yaraan wareega siddeed dhammaadka gaadhayay.

Sanadaha Portugal Ka Qayb Galay Euros Iyo Heerarka Uu Gaadhay

1984: Semi-Finals

1996: Quarter-Finals

2000: Semi-Finals

2004: Final

2008: Quarter-Finals

2012: Semi-Finals

2016: Guuleystayaal

2020: Wareega 16-ka

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*