“Waa In Koobabkii Ay Haysteen Laga Qaado Manchester United, Liverpool & Arsenal, Waa In Dhibco Laga Jaro, Heerka Labaadna Loo Celiyo”

Halyeygii Manchester United ee Gary Neville ayaa ku baaqay in kooxaha Manchester United, Liverpool iyo Arsenal laga caydhiyo horyaalka Premier League, laga qaado koobkii & horyaalladii ay ku guuleysteen, dibna loogu celiyo heerka labaad.

Neville ayaa qayb ka noqday dadka ka cadhooday horyaalka cusub ee Super League ee ay samaysteen kooxaha waaweyn ee Yurub, kaas oo macne la’aan ka dhigaya horyaallada maxalliga ah iyo Champions League.

Kabtanka hore ee Red Devils oo ka hadlayay telefishanka Sky Sports ayaa saddexdan kooxood ku tilmaamay in ay yihiin dambiileyaal ku kacay fal-dambiyeed, sidaas darteedna ay tahay in ciqaab halis ah la marsiiyo.

Waxa uu intaa ku daray in saddexdan kooxood ay yihiin kuwa ugu guulaha badan taariikhda Ingiriiska, laakiin isla ciqaabtan oo kale la marsiiyo kooxaha kale ee saddexda ah ee iyaguna qaybta ka noqday qorshaha lagu hirgelinayo tartanka cusub, waana Man City, Chelsea iyo Tottenham.

“Haddii ay shaaciyaan waraaqda ay saxeexeen ee ay horyaalka ku samaysteen, waa in ciqaab weyn la marsiiyo.” Ayuu Yidhi oo warbaahinta la hadlayay kaddib ciyaartii ay Manchester United xalay ku garaacday Burnley.

“Waa in gabaaxyo waaweyn la saaro, dhibco laga jaro, laga qaado koobabka – yaa dan ka leh {mar haddii ay horyaal gaar ah samaysteen}? Koobka hala siiyo Burnley iyo Fulham. Waa in Fulham sare loosoo qaado.

“Heerka labaad haloo celiyo United, Liverpool iyo Arsenal, sababtoo ah waa saddexda kooxood ee taariikhda waddanka ah, waa in ay iyagu noqdaan kuwa dhibaatada ugu badan ku dhacdo.

“Berri ha laga jaro dhibcaha oo dhan – kaalmaha u hooseeya horyaalka hala geeyo, lacagta ha laga qaado. Waa in si dhab ah shaambadda loogu dhufto arrintan, waa dambiileyaal. Waxay ku kaceen fal-dambiyeed ay ka galeen taageereyaasha kubadda cagta taariikhdan.”

Gary Neville waxa uu kooxahan ku tilmaamay calooshooda u shaqaysteyaal, waxaanu yidhi: “Waxay noqdeen calooshooda u shaqaysteyaal, marna¬† waxba kamaynaan maqal mulkiileyaasha kooxahan. Way iska caddahay in ay ku jiraan dhalada calooshooda u shaqaysteyaasha – Wax cod ah ma laha.”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*