UEFA Oo Wadnaha Goysay Real Madrid: “Haddii Kooxuhu Yidhaahdaan Waxaanu Ku Jirnaa Super League, Ma Ciyaari Doonaan Champions League…”

Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee Aleksander Ceferin ayaa digniin u diray afar ka mid ah kooxaha waaweyn ee Yurub oo ay ugu horreyso Real Madrid, kuwaas oo u sheegay in ay ka saarayaan tartanka Champions League.

Real Madrid oo usoo gudubtay semi-finalka Champions League ayaa Salaasada la ciyaari doonta Chelsea lugta hore, halka ciyaarta dambena ay ballansan yihiin toddobaadka xiga.

Laakiin Madaxweynaha UEFA ee Aleksander Ceferin ayaa Real Madrid ka nixiyey, waxaanu u sheegay in haddii aanay shaacin, in ay ka baxday tartanka Super League aanay ciyaari doonin Champions League. Sidaas oo kale, waxay digniintani u tegaysaa saddexda kooxood ee kale ee Barcelona, Juventus iyo AC Milan, inkasta oo labada Talyaaniga ahi ay si dadban u muujiyeen in ay ka baxeen.

Siddeed ka mid ah 12 kooxood oo aas-aasay ayaa ku dhawaaqay in ay ka baxeen Super League, waxaase wali hadhsan labada kooxood ee reer Spain oo ku dheggan iyo Juventus oo kooxda saddexaad ah, halka AC Milan ay u badan tahay in ay ka baxday.

Aleksander Ceferin oo la hadlayay wakaaladda wararka AP, ayaa yidhi: “Way iska caddahay in kooxuhu ay gaadhi doonaan go’aan, haddii ay ku jirayaan Super League iyo ahddii ay European Clib ahaanayaan.

“Haddii ay yidhaahdaan waxaanu ku jirnaa Super League, cabcan ma ciyaari doonaan Champions League.

“Haddii ay iyagu diyaar u yihiin taasna, waxay ciyaari karayaan tartankooda gaarka u ah.”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*