Trent Alexander-Arnold Oo Laga Reebay Xulka Qaranka England Ee Salaasada Loo Gudbinayo UEFA

Liiska kama dambaysta ah ee xulka qaranka England ee ka qayb-geli doona tartanka Euro 2020 ayaa lagu dhawaaqi doonaa Salaasada berri, iyadoo uu tababare Gareth Southgate u gudbin doono xidhiidhka kubadda cagta Yurub.

Southgate ayaa hore usoo saaray liiska xulka qaranka England oo ka kooban 33 ciyaartoy, laakiin waxa laga doonayaa in uu ka saaro toddoba ciyaartoy oo uu ka dhigo 26 laacib oo ah tirada loo ogol yahay.

Difaaca midig ee Liverpool ee Trent Alexander-Arnold oo hore looga saaray liiska xulka qaranka England ee kulamadii bishii March ay la ciyaareen San Marino, Albania iyo Poland ayay niyaddu u dhisantay markii uu Salaasadii usbuucii hore ka mid noqday xulka xilli la filayay in laga reebo.

Laakiin ugu dambayntii, waxa Trent Alexander-Arnold iska waayi doonaa xulka lagu dhawaaqayo Salaasada berri, iyadoo uu Gareth Southgate ku qancay in Kyle Walker iyo Reece James ay ugu filan yihiin in ay difaaca midig iska beddelaan, kaydkana uu ugu sii jiro Kieran Trippier.

Saddexan laacib oo lagu daray Trent Alexander-Arnold ayaa hore ugu jiray liiska, taas oo ka dhigan in afar ciyaartoy oo difaaca midig ahi ay ku jireen, taas oo la rumaysan yahay in aanay macquul noqon doonin.

Warbaahinta ESPN ayaa shaacisay, in Gareth Southgate uu kaliya liiska ku darsaday saddex difaac midig oo Alexander-Arnold uu daaqadda ka baxay, liiska  berri lagu dhawaaqayana aanu ku jiri doonin.

Warka ayaa intaa ku daray, Walker iyo Reece James ay noqon doonaan ciyaartoyda dookha koowaad u ah Southgate laakiin uu xoogaa ka fikiray kala doorashada Kieran Trippier iyo Trent Alexander-Arnold, ugu dambayntiina uu qaatay difaaca midig ee Atletico Madrid.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*